Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dable Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo lagu xukumay dil toogasho ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Dable Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo lagu xukumay dil toogasho ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur oo haysto dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  oo ku yaal dagmada Kaxda saddaxdii January ee sanadkan, ciidamada Amniga ee joogo qaybta galbeed ayaa maalin kadib ku guulaystay in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hay’adda  dambi barista Boliiska CID  ayaa  ka gudatay waaajibka baaris ee kaga aadanaa, waxa ayna ku soo wareejisay eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Related posts

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Wasiirrada Bariga Africa

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Wasiirrada Bariga Africa

July 11, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

July 11, 2026

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal Degmada Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedaysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid ahayn dadka ku ciyaarayay garoonka ku yaal degmada Kaxda,balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku hayb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaaraysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha lahayn uu ugu riday laba xabadood  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sidaasna uu ku geeriyooday.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta kubadda looga saaray awood sheegasho, balse markii uu meesha tagay isku daygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaaraysay iyo xabadhii uu riday ay sababeen dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sida uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida,  xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan.

Previous Post

Ciidamadda Kumaandooska oo howlgalo ka wada Jubbada hoose (Sawirro)

Next Post

Guddiga Sanad guurada 60aad ee maalmaha xorriyada dalka oo ka hadlay ahmiyada howlaha horyaala + Warsaxaafadeed

Next Post
Waa xusuustii Xorriyaddeennee Xadreeyoo Madaxa roga

Guddiga Sanad guurada 60aad ee maalmaha xorriyada dalka oo ka hadlay ahmiyada howlaha horyaala + Warsaxaafadeed

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Wasiirrada Bariga Africa

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Wasiirrada Bariga Africa

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(ARUSHA):-Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Arusha ee dalka Tanzania loogu soo gebagebeeyey Shirkii 20-aad ee Wasiirrada Kaabeyaasha dhaqaalaha...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha...

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u magacaabay Golaha Wasiirrada cusub...

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha XFS Sulub Axmed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In