Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dabool saarkii oo lagu bedalayo soo saaris (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 27, 2024
in Wararka
0
Dabool saarkii oo lagu bedalayo soo saaris (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad Daawo ah gaarsiiyay Moqokori

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad Daawo ah gaarsiiyay Moqokori

May 24, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

May 24, 2025

OTurkiga oo Soomaaliya u soo diraya Markab Shidaal iyo Gaas ka baara Xeebaha Soomaaliya, waxaana la soo warinayaa in Turkiga uu Xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahmin doona Shidaal iyo Gaas, Qorshahaan ayaa qeyb ka ah heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta ee dalkaTurkiga dhawaan.

“Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah, oo socon karta bilo,” ayuu yiri wasiirka tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar. Markabkaan ayaa baari doonnaa Seddex Baloog, iyadoo Labo ka mid ah seddexdaasi baloog (Xirmo), ayaa 50 kiiloomitir u jira xeebaha Soomaaliya, Bayraktar ayaa intaasi ku daray in midka kalena uu u jiro ilaa 100 km.

“Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu yiri Bayraktar.

Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso xiriirka labada dal, ka dib markii ay heshiis dhanka difaaca ah ku heshiiyeen bishii hore.

Madaxweynaha Dalka Turkiye Recep Tayyip Erdogan ayaa u gudbiyay Baarlamaanka Turkiga qaraarka Ciidamo Turki ah loogu soo diraya xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan, isagoo baarlamaan dalkiisa ka codsaday in ay meel-mariyaan arrintaasi. Labada dal ayaa bishii February 2024 kala saxiixday heshiiska difaaca badda oo 10 sano qaadanaya, kaasoo yimid bil kadib markii Itoobiya is-afgaradka la gashay Maamulka Somaliland.

Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya oo ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xadgudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaa Ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Turkiga waxaa la filayaa in September dhammaadkeeda ama bilowga October inuu Markab kale oo shidaal baaraya u soo dirto xeebaha dalka Soomaaliya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in Gaas iyo Saliid ay dhex ceegaagaan, waxaana Shirkad dowladda Turkiga leedahay oo TPAO la yiraa loo xilsaarey baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya.

Tani waday muujinaysa sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub, waxaana xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan Garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo Dekadda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga, dowladda Turkiga ay tababarto Ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasoo qeyb uga qaadanyso dib u dhiska Ciidanka qaranka oo lagu wado inay Mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December 2024-ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada ka socda wadanka Turkiye oo la filayo inay soo gaaraan Xeebaha Soomaaliya, waxaana arrintaasi ka hadlay La taliya Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliuya Xuseen Sheekh Cali, wuxuuna sheegay in ciidamada ka socda dowlada Turkiga ee imaanaya Soomaaliya ay qeyb ka yihiin heshiiskii difaac ay Soomaaliya iyo Turkiga ay wada gaareen.

La taliyuhu isagoo sharaxaya shaqada cidamadaasi ayaa xusay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa ka socda Turkiye, ‘si ay u tababaraan Ciidamada Badda ee Soomaliya oo u taagan difaaca Xeebaha Soomaaliya’, waxa uuna intaasi ku daray in labada dowladoodba ay dadaal ugu jiraan dhaqan-galintaasi heshiiskaasi, dibna laga soo sheegi doono goobaha ay ka howlgali doonaan ciidamada Badda ee Dalka Turkiye.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Turkiye Anadol ayaa daabacday warbixin ay cinwaan uga dhigtay ‘Turkiga oo saxiixay heshiis soo saarista shidaalka Soomaaliya’, waxayna u soo direysaa Markab ka qeybqaadanaya baarista shidaalka ka buuxa Xeebaha Soomaalaiya, ayna ilaalin doonaan Maraakiib dagaal.

“Soomaaliya waa cajiib, waxay leeyhiin Xeebta ugu dheer Afrika, waana Xeebta ugu dheer ee dhinca Biyaha kulul, taasi oo aanan wali Gaas laga qodin, waana Badda kulul ee ka sii dheer midda waqooyiga Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Biljamka”, sidaasina waxaa sheegay Khabiir dhinaca Saliidda ah oo u dhashay Wadanka Ingiriiska. Halkaasi waxaa ka cad in Biyaha kululi ay yihiin calaamad weyn oo ku tuseysa in laga helaayo Badda Soomaaliya Gaas cadaddiisu aad u fara badan tahay.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey kal hore BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maadada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan. Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hey’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saameynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu, wuxuuna Waraysiga uu BBC da siiyay wasiirka Batrool ka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

By.C/lahi Ruush

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis lagu sameyn doonno

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee XJFS

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Shirguddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Garsoorka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee XJFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad Daawo ah gaarsiiyay Moqokori

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad Daawo ah gaarsiiyay Moqokori

May 24, 2025
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, isagoo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxaa Magaalada Algerias ee caasimadda dalka Algeria lagu soo gabagabeeyay shirka Bangiga Horumarinta Islaamka oo sanad waliba xiligaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In