Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dad badan oo shuban ugu dhintay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka  Bakool

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dad badan oo shuban ugu dhintay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka  Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya deegaanka  Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in ku dhowaad 15 ruux ay u geeriyooday cudurka shuban biyood oo ka dilaacay deegaankaas, iyadoo in ka badan 20 qof oo kale laga daweynaayo  shubanka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Mid kamid ah howl wadeenada caafimaad ee deegaanka ka howlgala ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka shubanka ay isugu jiraan carruur iyo dad da’ah, isagoo intaa ku daray in kiiskii ugu horeeyay ee lagu arkay Buurdhuxunle 6 bishan Fibraayo isla markaana maalinba maalinta ka dambeysa uu isa soo tarayay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Deegaanka cudurka uu ka dilaacay oo 30 KM u jira degmada Waajid, ayaa waxaa gacanta ku haya maleeshiyaadka Al-shabab, mana lahan xarun caafimaad deegaanka, iyadoo sidoo kalena ay adag tahay in dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha caafimaadka ka shaqeeya u gurmadaan dadka cudurka uu haleeley.

Dad muxsiniin ah oo si iskood isku xil-qaamay oo ku kala sugan magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ayaa dawooyinka lagula tacaalo cudurka shubanka u direy deegaanka Buurdhuxunle.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in laga cabsi qabo in tirada cudurka uu soo ridanaayo ay intaa ka sii kororto daryeelka caafimaad oo aad u liita awgeed.

Cudurka shubanka ayaa waxaa uu faro ba’an ku haya dadka ku nool deegaano badan oo gobolada dalka kamid ah kuwaas oo ay saameysay abaaraha iyo biyo la’aan bahsan.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u diray Madaxda dowladaha Carabta

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video

Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u diray Madaxda dowladaha Carabta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In