Dad gaaraya 39 qof ayaa ku dhintay 70 kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay doon ay saarnayeen oo ku safraysay guddaha dalka Bangaladhesh.
Dabkan ayaa gudaha Doonta ka kacay abaaro sagaalkii subaxnimo ee Saakay, taas oo sida la sheegay ay saarnaayeen 800 oo Rakaab ah, kuwaas oo intooda badan u safrayay si ay u soo booqdaan qoyskooda iyo asxaabtooda si ay ugu faa’ideystaan fasaxa maalmaha dhamaadka todobaadka, sida ay saraakiishu sheegeen.
Anisur Rahman oo ka badbaaday doonida ayaa u sheegay warfidiyeenka isagoo ku daray in uu arkay qiiq ka soo baxayay doonida. “Waxaan ku booday biyaha qabow ee webiga ee ceeryaamo qaro weyn leh, sida rakaab kale oo badan, waxaanan u dabaashay jiinka webiga.”
Sarkaal ka tirsan Booliska Moinul Haque ayaa sheegay in samata-bixiyeyaashu ay webiga ka soo saareen 37 meyd ah, halka laba qofna ay u dhinteen dhaawacyo gubasho oo soo gaaray,70 qof oo dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaallada.