Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo balan qaaday inay joogteynayaan la dagaallanka Al-Shabaab SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo balan qaaday inay joogteynayaan la dagaallanka Al-Shabaab SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay macawuusleyda la dagaallanta argagixisada Al-Shabaab, iyagoo kulan dhiiri gelin ah la qaatay dadka deegaanka ee is abaabulay oo ku nool deegaanka Guullane ee hoos yimaada Degamda Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

 

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca dadka is abaabulay ee la magac baxay Macawuusley ayaa Xildhibaannada u sheegay inay u baahanyihiin kaalmo dhinac kasta ah, waxaana uu balan qaaday inay diyaar u yihiin difaacidda ciidda iyo calanka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Hirshabeelle  Cismaan Xaadoole ayaa shacabka ku booriyay inay xoojiyaan la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ay gacan ku siin doonaan sidii deegaannada Gobolkaasi looga sifeyn lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu rajo ka muujiyay in howlgalka uu gaari dooni ilaa iyo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay taageero siiso dadkan is abaabulay ee ka go’an inay deegaannadooda ka saaraan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Kallumeysiga Jubbaland oo qalab Kalluumeysi gaarsiiyay dadka deegaanka Goobweyn

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Turkiga oo deeq u qaybiyay dadka qaba Baahiyaha gaarka ah “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Turkiga oo deeq u qaybiyay dadka qaba Baahiyaha gaarka ah “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Turkiga oo deeq u qaybiyay dadka qaba Baahiyaha gaarka ah "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In