Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad 10-ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta dhexdooda oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen in ay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Horjooge lagu magacaabo Nuunaale oo la sheegay inuu yahay horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jabhadda ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka Khawaarijta ee baxsadka ahaa, waxaana intaasi ka dib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac ee Khawaarijta uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa u sheegay inuu arkay maleeshiyaad ku geeriyooday dagaalka, kuwa ku dhaawacmay dagaalka iyo maleeshiyaad la qabtay.

Ilo xog ogaal ay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay dagaalka markii uu dhacay ka dib in Khawaarijtu amaro cusub ay ku soo rogeen maleeshiya iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ah ee jooga magaalada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug, amaradaasna waxaa ka mid ah:-

1.In Gaadiidka nuuc kasta oo ay haystaan khawaarijta aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe. Ayagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto.

2.In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta ah oo Khawaarij ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, ayagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha inay isku gudbaan maadaama qaar laga shakisanyahay.

Wararka ka immaanaya Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalkaan uu dareen ka dhex abuuray magaalada madaama Horjoogayaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee dagaalamay ay labaduba ka soo jeedaan deegaan ahaan gobalka Mudug.

Tan iyo markii ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed ay u kaceen inay iska dulqaadaan Khawaarijta dooxatada iyo dhiig miiratada ah, lagana saaray in ka badan 50 magaalo ayaa wuxuu wal-wal iyo walaac xooggan soo wajahay horjoogayaasha khawaarijta ah.

Previous Post

Ra’iisal wasaare Xamsa ”Waa lagama maarmaan in dib u qiimeyn lagu sameeyo Shaqaalaha dowladda”.

Next Post

Generaal Biixi oo ka hadlay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post
Generaal Biixi oo ka hadlay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta

Generaal Biixi oo ka hadlay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In