Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagaal u Dhaxeeyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Alshabaab oo ka Socdo Duleedka Magalada Kismaayo.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 3, 2017
in Wararka
0
Dagaal u Dhaxeeyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Alshabaab oo ka Socdo Duleedka Magalada Kismaayo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaal u dhexeeya ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Argagixisada Alshabaab ayaa saaka waaberigii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyaad katirsan Kooxda nabaad diidka ee Alshabaab ayaa weerar ku qaaday xero  ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Buula-Guduud oo qayaas ahaantii 30 KM dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Ksimaayo, gaar ahaan wadada soo aada Magaalada Muqdisho.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Goob joogayaal deegaanka ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in qof naftii halige ah oo gaari watay aroortii hore uu isku qarxiyay meel u dhow xero ay leeyihiin ciidamada,iyadoo markaasi ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay dagaal kala hortageen,waxaana weli soconaya dagaalka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashey,balse ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo diyaar garow ku jirey ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyadii Alshabaab ee weerarkaasi soo qaaday.

Magaalada Ksimaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka soconaya dhaq dhaqaaq gurmad loogu dirayo ciidamada dagaalka kula jira Argagixisada Alshabaab.

Previous Post

Puntland iyo Galmudug ka wada hadlaya xalka Gaalkacyo-Sawirro

Next Post

FaahFaahin Ku saabsan Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bacaad.

Next Post
FaahFaahin Ku saabsan Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bacaad.

FaahFaahin Ku saabsan Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bacaad.

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In