Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dr Maxamed Xasan Maxamed ayaa manta ka qaybgalay munaasabadda Aqoon Iswaydaarsiga ah oo ay kasoo qayb galeen Wasiirro ku-xigeenada Wasaaraddaha Arrimaha Bulshada iyo Guddiyada Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka labadda Aqal, kaas oo looga hadlay Dejinta Siyaasadaha Qaran ee Horumarinta adeegga bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay laf dhabar u tahay horumarinta adeegyada bulshada ee aasaasiga u ah mujtamaca isla markaana xaqiijinaysa yoolkeeda ah in la helo adeeg caafimaad tayoleh si loo gaarsiiyo degaannada bulshada Soomaaliyeed guud ahaan.