Koongress-ka dalka Peru ayaa madaxweyne cusub u doortay sharci-dejiye lagu magacaabo Francisco Sagasti si loo helo xal siyaasadeed oo lagu dejiyo xiisadda cakiran ka dib markii muddo todobaad gudihii ay is-casileen laba madaxweyne.
Sagasti wuxuu noqon doonaa madaxweynihii saddexaad ee Peru todobaad gudihiis, kadib markii Manuel Merino oo shan maalmood ka hor loo dhaariyay xilkaasi uu is casilay Axadii.
Toddobaadkii hore madaxwayne Martin Vizcarra ayaa isna xilka laga qaaday ka dib markii lagu eedeeya laaluush,
Xiisadda siyaasadeed ee dalka Peru ayaa u muuqataa mid qarka u saaran in la xalliyo iyadoo Koongarasku uu doortay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah oo talada sii haya illaa sanadka soo socda oo la dooranayo Madaxweyne kale..