Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo xarigga ka jaray mashaariic uu madaxweyne Geelle ka hirgeliyay Beledweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo xarigga ka jaray mashaariic uu madaxweyne Geelle ka hirgeliyay Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hugaaminayo Safiirka Soomaaliya ee jabuuti ayaa xarigga ka jaray mashaariic uu maalgaliyay madaxwayne Gelle oo laga fuliyay Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan oo ka koobnaa Safiirrada waddamada Carabta u jooga Soomaalya, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo Xildhibaanno uuna huggaaminayay Ambasador Dayid Dubad Rooble oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya isla markaan ah hormuudka Safiirada jooga Soomaaliya iyo madaxa Safiirada wadamada carabta ayaa markii ay gaareen Baladwayne waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Gobalkaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Mas’uuliyiintaan ayaa xariga ka jaray sadex Mashruuc oo uu maalgaliyay Madaxwaynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Gelle kuwaas oo kala ah Biyaxireen looga hortagayo in Wabigu kusoo fataho magaalada,dayactir lagu sameeyay qayb ka mid ah oo loogu talo galay Xafiisyo iyo Guryo ay dagaan ciidamada iyo guryaha martida oo iyana ladhisay lana qalabeeyay.

Wafdigu wuxuu aad ugu mahadceliyay Ciidamada Jabuuti oo ka hawlgala Gobalka Hiiraan ahna Ciidamada kaliya ee ka yimid wadan ka tirsan Jaamacadda Carabta  ee qayb ka ah hawl-galka nabadda Soomaaliya ee Amisom.

Dadwaynaha Gobalka oo ay hugaaminayaan masuuliyaanta maamulka ayaa aad uga mahadceliyaya Madaxwayne Gelle iyo reer Jabuuti sida hagar la’anta ah ee ay maal iyo muruqba ula garabtaaganyihiin Soomaalida.

Ciidamada Jabuuti ayaa ku caawayay dadwaynaha Gobalka Hiiraan in ay helaan nabadda,waxeey kaloo ka hirgalisay Jabuuti Baladwayne Mashaariic kala duwan iyagoo ku gargaaray danyarta Raashin,daawo iyo biyo taas oo keentay in ay dadka gobalka u muujiyaan walaaltinimo dhab ah.

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka warbixiyay go’aanno ka soo baxay kulamo uu cadaado kula qaatay guddiga farsamada

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In