Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo xarigga ka jaray mashaariic uu madaxweyne Geelle ka hirgeliyay Beledweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 23, 2015
in Wararka
0
Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo xarigga ka jaray mashaariic uu madaxweyne Geelle ka hirgeliyay Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hugaaminayo Safiirka Soomaaliya ee jabuuti ayaa xarigga ka jaray mashaariic uu maalgaliyay madaxwayne Gelle oo laga fuliyay Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan oo ka koobnaa Safiirrada waddamada Carabta u jooga Soomaalya, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo Xildhibaanno uuna huggaaminayay Ambasador Dayid Dubad Rooble oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya isla markaan ah hormuudka Safiirada jooga Soomaaliya iyo madaxa Safiirada wadamada carabta ayaa markii ay gaareen Baladwayne waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Gobalkaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mas’uuliyiintaan ayaa xariga ka jaray sadex Mashruuc oo uu maalgaliyay Madaxwaynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Gelle kuwaas oo kala ah Biyaxireen looga hortagayo in Wabigu kusoo fataho magaalada,dayactir lagu sameeyay qayb ka mid ah oo loogu talo galay Xafiisyo iyo Guryo ay dagaan ciidamada iyo guryaha martida oo iyana ladhisay lana qalabeeyay.

Wafdigu wuxuu aad ugu mahadceliyay Ciidamada Jabuuti oo ka hawlgala Gobalka Hiiraan ahna Ciidamada kaliya ee ka yimid wadan ka tirsan Jaamacadda Carabta  ee qayb ka ah hawl-galka nabadda Soomaaliya ee Amisom.

Dadwaynaha Gobalka oo ay hugaaminayaan masuuliyaanta maamulka ayaa aad uga mahadceliyaya Madaxwayne Gelle iyo reer Jabuuti sida hagar la’anta ah ee ay maal iyo muruqba ula garabtaaganyihiin Soomaalida.

Ciidamada Jabuuti ayaa ku caawayay dadwaynaha Gobalka Hiiraan in ay helaan nabadda,waxeey kaloo ka hirgalisay Jabuuti Baladwayne Mashaariic kala duwan iyagoo ku gargaaray danyarta Raashin,daawo iyo biyo taas oo keentay in ay dadka gobalka u muujiyaan walaaltinimo dhab ah.

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka warbixiyay go’aanno ka soo baxay kulamo uu cadaado kula qaatay guddiga farsamada

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In