Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya oo deeq gaarsiiyay carruur agoon ah-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya oo deeq gaarsiiyay carruur agoon ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka dib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta daryeelka ilmaha agoonta ah ee Badbaado kuna taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya waxa ay deeq loogu talo ilmaha agoonta ah ee xaruntaas ku jirta ay ku wareejisay maamulka xarunta.

Deeqdan oo isugu jirta sariiro,jaadariyaal,barkiman go’yaal iyo bustayaal ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka xaruntan ,waxaana waalidiinta ilmahooda ay xarunta ku jiraana uga mahadceliyeen safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya deeqdan maanta soo gaarsiisay.

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

Gudoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Axmed Salaad Ibraahim ayaa uga mahad celiyay safaaradda Shiinaha Soomaaliya sida ay uga jawaabeen baahida xarunta dhinaca agab la’aanta ah.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Weing Hoington oo ay Soomaalidu u taqaano Warsame Geeljir ayaa sheegay in deeqdan maanta ay gaarsiyeen xarunta agoon lagu xanaaneeyo ay tahay qeyb ka  mid ah miisaaniyadda safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

“Maanta waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan ku wareejiyo maamulka xaruntan deeqdan oo ka timid miisaaniyada safaarada Shiinaha ee Soomaaliya oo ka kooban sariir ,go’ yaal ,bustayaal iyo joodariyaal ,mar kasta baahida carruurtan waa ay taagantahay ,carruurtana waa mustaqbalka dalka walba’’, ayuu yiri safiirka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ugu dambeyn ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir in carruurta agoonta uu caawiyo.

“Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaan ugu baaqeynaa in agoontan dhul ay degaan la siiyo intii carruurteen ay derbi jiif noqon lahaayeen ama kooxaha nabada diidan ay leexsan lahaayeen si ay dembiyo u geystaan’’, ayuu sheegay Dalxa.

Xarunta ayaa waxaa ku jira oo lagu xanaaneeyaa carruur gaareysa 524 guud ahaan oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo  121 ka mid ah xarunta dhexdeeda jiifta,waxaana dowladda Shiinaha  Soomaaliya ay ka taageertaa dhinacyo fara badan oo ay ka mid tahay dhinaca wxbarashada waxaana xusan in hada dalka shiinaha ay wax ka bartaan  ilaa 12,000 oo arday Soomaaliyeed ah.

1 2 3 5 6 8 9

Sawir Qaade: C/qadar Catoosh

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitalka dhexe ee Cadaado-Sawirro

Next Post

Barlamaanka oo Su’aalo weydiiyay wasiirka Cadaaladda

Next Post
Barlamaanka oo Su’aalo weydiiyay wasiirka Cadaaladda

Barlamaanka oo Su’aalo weydiiyay wasiirka Cadaaladda

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In