Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya oo deeq gaarsiiyay carruur agoon ah-Sawirro

caqiil by caqiil
June 28, 2015
in Wararka
0
Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya oo deeq gaarsiiyay carruur agoon ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka dib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta daryeelka ilmaha agoonta ah ee Badbaado kuna taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya waxa ay deeq loogu talo ilmaha agoonta ah ee xaruntaas ku jirta ay ku wareejisay maamulka xarunta.

Deeqdan oo isugu jirta sariiro,jaadariyaal,barkiman go’yaal iyo bustayaal ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka xaruntan ,waxaana waalidiinta ilmahooda ay xarunta ku jiraana uga mahadceliyeen safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya deeqdan maanta soo gaarsiisay.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Gudoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Axmed Salaad Ibraahim ayaa uga mahad celiyay safaaradda Shiinaha Soomaaliya sida ay uga jawaabeen baahida xarunta dhinaca agab la’aanta ah.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Weing Hoington oo ay Soomaalidu u taqaano Warsame Geeljir ayaa sheegay in deeqdan maanta ay gaarsiyeen xarunta agoon lagu xanaaneeyo ay tahay qeyb ka  mid ah miisaaniyadda safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

“Maanta waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan ku wareejiyo maamulka xaruntan deeqdan oo ka timid miisaaniyada safaarada Shiinaha ee Soomaaliya oo ka kooban sariir ,go’ yaal ,bustayaal iyo joodariyaal ,mar kasta baahida carruurtan waa ay taagantahay ,carruurtana waa mustaqbalka dalka walba’’, ayuu yiri safiirka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ugu dambeyn ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir in carruurta agoonta uu caawiyo.

“Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaan ugu baaqeynaa in agoontan dhul ay degaan la siiyo intii carruurteen ay derbi jiif noqon lahaayeen ama kooxaha nabada diidan ay leexsan lahaayeen si ay dembiyo u geystaan’’, ayuu sheegay Dalxa.

Xarunta ayaa waxaa ku jira oo lagu xanaaneeyaa carruur gaareysa 524 guud ahaan oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo  121 ka mid ah xarunta dhexdeeda jiifta,waxaana dowladda Shiinaha  Soomaaliya ay ka taageertaa dhinacyo fara badan oo ay ka mid tahay dhinaca wxbarashada waxaana xusan in hada dalka shiinaha ay wax ka bartaan  ilaa 12,000 oo arday Soomaaliyeed ah.

1 2 3 5 6 8 9

Sawir Qaade: C/qadar Catoosh

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitalka dhexe ee Cadaado-Sawirro

Next Post

Barlamaanka oo Su’aalo weydiiyay wasiirka Cadaaladda

Next Post
Barlamaanka oo Su’aalo weydiiyay wasiirka Cadaaladda

Barlamaanka oo Su’aalo weydiiyay wasiirka Cadaaladda

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In