Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Cuman oo booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaasi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Cuman oo booqday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaasi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Cumaan Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) oo ay wehliso La taliyaha Arrimaha Qunsuliyadda Safaaradda Marwo Xamsa Cabdiqaadir ayaa maanta booqasho gaar ah ugu tagay tiro maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xukuman dambi la xiriiro Burcad Badeednimo kuwas oo muddo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Zama’il ee Dalka Cuman.

Danjiraha ayaa u kuurgalay xaaladda Caafimaad iyo midda nololeed ee Maxaabista, kuwas oo ku xukuman xabsi dheer.

Related posts

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025

Safiirka iyo Qunsulka ayaa kulanka maxaabiista kadib, waxay Shir la qaateen Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Zamai’l G/Sare Cabdullahi Bin Maxamed Al-Maxrasi, iyaga oo ka wada hadlay la dhaqanka Maxaabiista Soomaaliyeed iyo sidii fursan Waxbarasho ay uga heli lahaayen gudaha Xabsiga maaddaama ay ku xukuman yihiin Xabsi Dheer.

Taliyaha Xabsiga G/Sare Cabdullahi Al-Maxrasi ayaa ka ballanqaaday Safiirka in uu dhalinyarada siin doono ahmiyad gaar ah, una sahli doono Xirfadaha Waxbarasho ee laga bixiyo gudaha Xabsiga.

Ugu dambeyntii G/Sare Cabdullahi Al-Maxrasi ayaa bogaadiyay dadaalka Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Cuman, ee la xiriiro la socodka xaaladda guud ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiga Dhexe ee Zama’il ee Dalka Cuman taas oo buu yiri aaney ka helin Safaaradaha Dalalka kale ee muwaadinintoodu ku jiran Xabsiga.

12714010_977193552359438_1051366704_n 12736090_977193182359475_974013746_n Amb. Taano iyo Taliha Xabsiga

Previous Post

Munasabad lagu soo dhaweynayay Wasiiro iyo Xildhibano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Lagu Qabtay Nairobi “Sawirro”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamanka oo kulamo la qaatay wafdi ka socday jaamacadda Carabta iyo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamanka oo kulamo la qaatay wafdi ka socday jaamacadda Carabta iyo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Gudoomiyaha Baarlamanka oo kulamo la qaatay wafdi ka socday jaamacadda Carabta iyo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In