Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
6 months ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga,Mudane Omar Cali Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo.Kulanka soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-xigeenka Safiirka, Mudane Dahir Salaad Xasan, iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Suldaan Faarax Axmed,oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la socotay Wasiiru Dowlaha.

Danjire Farabadan ayaa Wasiiru Dowlaha uga warbixiyay adeegyada ay safaaraddu u hayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka, isagoo xusay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo taageerada ay safaaraddu siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota safaaradda, isagoo ku amaanay sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada iyo ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka.Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha ayaa magaalada Berlin uga qeybgalay shir ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay, kaas oo socday 13–14 May 2025, laguna falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Danjire Farabadan iyo Ku-xigeenkiisa, Mudane Dahir Salaad Xasan, ayaa uga mahadceliyay Wasiiru Dowlaha iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen xarunta safaaradda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee dibadda.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Next Post

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Next Post
Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In