Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo booqday Minneapolis+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo booqday Minneapolis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washinton Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Norway ee isna fadhigiisa yahay Magaalada Washinton Kare Ass ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota halkaasi oo ay kula kulmeen jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka Minnesota.

Ugu horey waxay booqashadooda ka bilaabeen Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota halkaasi oo uu ku soo dhaweeyey Cismaan Maxamed Cali oo ah aas’aasaha iyo Gudoomiyaha Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed iyagoo ku soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee madxafka uu leeyahay, isla markaana waxaa la tusay waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

intaasi kaddib ayaa waxaa ay booqdeen Suuqa Soomaalida ee Karmel Mall ee Magaalada Minneapolis halkaasi oo ganacsiyo kala duwan ay ku leeyihiin inta badan dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya Washinton Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ujeedada booqashadooda ay tahay sidii ay ula socon lahaayeen xaaladda Soomaalida ku nool halkaasi.

Sidon kale Safiirka Norway u fadhiisa Maraykanka ayaa booqasho ku imid Minneapolis si ay u  aragto dadka reer Minnesota oo asal ahaan kasoo jeeda Norway laguna qiyaaso 13%,

“waxaan isla soconaa safiir Axmed. Sidaasi oo kale, Waxaan rabaa in aan wax agaado Soomaalida reer Minnesota sida ay u nool yihiin, horumaka ay sameeyeen dhanka shaqada, waxbarashadda iyo is-dhexgalka iyo sida ay uga mid noqdeen bulshada Maraykanka. Norway waxaa ku nool ilaa iyo 40 tan kun Soomaali ah waxaan doonnaynaa in Soomaalida reer Minnesota wax ka barano. ayey tiri Danjiraha Norwey ee Mareykanka Kare Ass.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Roob lagu diirsaday oo saaka ka da’ay magaalada Gaalkacyo

Next Post

Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Next Post
Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In