Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhisa dalka Pakistan marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa kulan la yeelatay wasiirka waxbarashada dalkaas Muhammad Baligh-ur-Rehman, ayagoo ka wada hadlay arimo ah kamid tahay xoojinta xiriirka labada dalka gaar ahaan dhanka waxbarashada.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale, wadahadalkooda waxaa ay diiradda ku saareen dib u soo nooleynta heshiisyadii waxbarasho ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Pakistan kaas oo ay wada gaareen muddo 30 sano ka hor ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Pakistan ayaa waxaa ay wasiirka waxbarashada ka codsatay in dowladda Pakistaan kordhiso tirada deeqaha waxbarasho ay siiyo Soomaaliya isla markaana la joogteeyo xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya wasaaradaha waxbarashada dalalka Soomaaliya iyo Pakistaan

Kulanka ay wada yeesheen danjiraha Soomaaliya ee dalka Pakistaan iyo wasiirka waxbarashada ee dalkaa ayaa sidoo kale, waxaa goob joogka ahaa xubno ka tirsan guddiga tacliinta sare ee dalkaas oo loo soo qaabiyo HEC iyo xoghayaha joogtada ah ee safaaradda Soomaaliya ee magaalada Islamabad C/laahi Xaaji Daa’uud.

Wasiirka waxbarashada dalka Pakistaan, Muhammad Baligh-ur-Rehman, ayaa amaanay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barata, isagoo sidoo kalena soo dhoweeyay codsiga Soomaaliya ugu yimid dalkiisa.

Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya u fadhisa dalka Pakistaan Marwo Khadiija Al-Makhzuumi ayaa sidoo kale kulan la yeelatay wasiirka caafimaadka ee dalkaas, Saira Afzal, iyadoona Marwo Makhzuumi ka codsatay wasiirka in ardayda Soomaaliyeed la siiyo tababaro caafimaadka marka ay dhameystaan waxbarashada jaamacadaha.

Dalka Pakistaan ayaa waxaa wax ku bartay boqolaal arday Soomaaliyeed halka tiro kale oo aad u bandanna ay ka soo baxeen jaamacadaha kala duwan ee dalkaas ayagoo diyaariyay kuliyadaha kala duwan sida caafimaadka, dhaqaalaha, Engineer, xiriirka caalamiga ah, siyaasadda iyo kuwo kale oo badan.

KHADIJA_WAS_PAK (1) KHADIJA_WAS_PAK (2) KHADIJA_WAS_PAK (3) KHADIJA_WAS_PAK (4) KHADIJA_WAS_PAK (5)

Previous Post

QM: Ku dhowaad 50 m oo carruur ah ayaa qaxooti ku ah aduunka

Next Post

Arday dhameysatay barashada Qur’aanka kariimka ah oo la abaalmariyay-Sawirro

Next Post
Arday dhameysatay barashada Qur’aanka kariimka ah oo la abaalmariyay-Sawirro

Arday dhameysatay barashada Qur’aanka kariimka ah oo la abaalmariyay-Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In