Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha oo Ka qayb galay Shirka Maalinta Afrika

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha oo Ka qayb galay Shirka Maalinta Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Cawaale Cali Kullane Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dal waynaha Shiinaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Maalinta Afrika ee hoos yimaada CIFTIS isagoo ku hadlayay magaca Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen madax uu ka mid yahay ergeyga Dowladda Shiinaha ee Arrimaha Afrika Marwo Danjire Xu Jinghu, iyo in ka badan 30 diblumaasi oo matalayay safaaradaha Afrika ee ka howlgala Shiina iyo madax kale, iyadoo halkaasna sidoo kale qudbad ka jeediyay Safiirka dowladda Ruwanda Amb. James Kimonyo

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa qudbaddiisa xoogga ku saaray muhiimadda ganacsiga sida waxbarashada Online-ka ah, la -talinta ganacsiga, daryeelka caafimaadka iyo dalxiiska si loo baro muwaadiniinta gudaha adeegsiga tiknoolajiyada cusub iyo adeegsigeeda, sarana loo qaado wacyigooda aqooneed.

Danjire Cawaale Kullane ayaa sidoo kale soo bandhigay kartida Soomaaliya ee tamarta cadceedda iyo tamarta dabaysha, wuxuuna ku dhiirri-galiyay shirkadaha awoodda u leh adeeggan inay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo la kaashanayo dadka Soomaaliyeed, ganacsatada waa wayn kuwa dhexe iyo kuwa yar yar intaba.

CIFTIS (China International Fair for Trade In Services) ayaa ah xarun ay taageerto dowladda Shiinaha iyadoo furitaanka xafladdan ee sanadkii hore uu ka qayb galay madaxweynaha dalka Shiinaha mudane Xi Jinping.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka oo dhagax dhigay wado Interlog la saarayo “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah u sameeyey Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah u sameeyey Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah u sameeyey Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In