Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo soo dhaweeyay diblomaasiyiin Soomaali ah oo Turkiga tababar u jooga +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo soo dhaweeyay diblomaasiyiin Soomaali ah oo Turkiga tababar u jooga +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuiriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga H.E. Mr. Jama Abdullahi Mohamed ayaa xaflad casha sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyay Caasimadda Ankara toban “10” diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo tababar diblomaasiyadeed oo muddo hal todobaad socon doona ku qaadanaya Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkey.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta tababarka u socda inay noqdaan kuwa ka faa’ideysta casharada, ayna bilow cusub u noqdaan isbadallada guusha leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay hiigsanayso, isaga oo xusay in tababarada lagu tayeynayo howlwadeennada kala duwan ee hey’adaha dowladda ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay muujiyeen, waxaanu caddeeyay in kooxdii labaad ee Wasaaradda Beeraha ka socota lagu tababari doono dalka Turkiga si dalku u noqdo mid isku filnaada xagga cunnada iyo wax soo saarka.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Amb. Jama Abdullahi Mohamed oo la hadlayay diblomaasiyiintaasi ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waa muraayadda dalka, waa wejiga laga eegayo qarankeena, waa inaad noqotaan kuwa hagaajiya wejigaasi oo wax weyn ka badala habka shaqo ee xilligan”.

Danjiraha waxa uu ammaanay taageerada is xilqaanka leh ee Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliya, isaga oo xusay in dalkiisu weli u baahan yahay taageero dhinacya badan leh sida dib u dhiska kaabayaasha kala duwan ee dhaqaallaha si qaranku u noqdo mid isku filan.

Casha sharaftan soo dhaweeynta ah waxaa Safiirka ku wehlinayay Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane, Bishar Ugaas Ibrahim iyo Qunsulka Safaaradda Mudane, Suleiman Mohamed Karshe.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo hambalyo u diray Ciidanka Asluubta

Next Post

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare oo xukumadda ku booriyay in la hirgaliyo Shan Xarumood oo muhiim ah

Next Post
Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare oo xukumadda ku booriyay in la hirgaliyo Shan Xarumood oo muhiim ah

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare oo xukumadda ku booriyay in la hirgaliyo Shan Xarumood oo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In