Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Jabiril Ibraahim Cabdulle ayaa maanta ka daahfuray Jaamacadda Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed.
Xarunta ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SOMINA.
Taabagalinta xarunta Somali Investment Academy (SOMINA), ayaa waxaa iska kaalmeeystay Hayโadda โInternational Financial Corporationโ (IFC) oo kamid ah farac ka tirsan Bangiga Adduunka iyo Jaamacadda weyn ee Strathmore.
Danjiraha Soomaaliya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ardayda fursada u heshay inay qayb ka noqdaan inay ka faaโiideystaan waxbarashadaas.
Barnaamijka ayaa ah mid hindise dhaxal gal ah oo ujeedaddiisu tahay awood siinta iyo waxbaridda maamulayaasha ganacsiga gaarka ah iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed. Barnaamijkani ma aha koorso keliya ee waa mid rajo galinayo ganacsiga, isla markaana horumar u ah ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya oo kobcaya.