Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur’aan akhris ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur’aan akhris ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Qur’aan akhris ah oo ay ka qeybgaleen arday badan oo Muslimiin ah oo ay Soomaali qeyb ka ahaayeen ayaa lagu qabtay Masjidka Al Huda, magaalada Nairobi ee dalka #Kenya.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka qeybgalay tartanka Qur’aan akhriska ah ayaa bogaadiyay sida ardayda ay u soo bandhigeen Qiraa’ada Qur’aanka Kariimka ah, kuwaasi oo ay ka muuqatay kalsooni dhab ah.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

“Tartanka Qur’aanka waxaa ka qeybgalay Ardayda dalka Kenya oo dhan, waxaana qeyb ka ahaa arday ka timid xeryaha Qaxootiga ee Xagardheer Dhadhaab, waxaana ay ahaayeen arday u heelan akhrinta Qur’aanka, oo ay ka muuqatay arday leh tarbiyad wanaagsan”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Macalimiinta iyo Waalidiinta sida hagar la’aanta ah oo ay u garab istaageen ardayda uguna dhiirigeliyeen muddadii ay baranayeen xifdinta Qur’aanka Kariimka, taasi oo u suurtagelisay in tartankan qiimaha badan leh ay ka qeybgalaan, waalidiintana looga baahanyahay in ay Ubadkooda ku barbaariyaan tubta toosan.

Danjire Jabriil ayaa u duceeyay dhamaan Ardayda ka qeybgashay tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee lagu qabtay Masjidka Al Huda ee magaalada Nairobi “Alle SWT ha u barakeeyo hibadaas uu Alle siiyay dhallinyarada, if iyo aakhiroba ha ku guuleeyo”.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay furitaanka Qaran ee Qur’aanka Kariimka ah

Next Post

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In