Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qado sharaf ugu sameeyay Xarunta Safaaradda Soomaaliya Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow.
Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa ka mahadceliyay soo dhaweeynta iyo qado sharafta loogu sameeyay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.