Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo soo xiray tababar ku saabsan daadajinta adeegyada caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo soo xiray tababar ku saabsan daadajinta adeegyada caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya oo soo xiray tababar ku saabsan daadajinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ayaa ku booriyay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Tababarkan oo socday muddo 4 cisho ah isla markaana uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kaashanaya Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka ee Federaalka ayaa lagu dhiraan dhiriyay hannaanka la xiriira daadajinta adeegyada caafimaadka heerarka kala duwan ee dowladda, heer Fededaal ilaa iyo dowladaha Hoose.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

“Kulankan waxa uu daba socday kulamo horey u soo dhacay, kuwaasi oo la xariiray nidaamka Federaaleynta, qeybaha uu ka koobanyahay iyo sida loo daadajin lahaa awoodaha Federaalka ilaa iyo dowladaha Hoose”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa xusay in qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP) ay dowladdu gelisay waqti badan, si dalkeenna uu u yeesho qorshe Qaran, isagoo intaa ku daray in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladdu ugu jirto in adeegyada aas aasiga la gaarsiiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa intaa raaciyay “Waxaa maanta farxad inoo ah in dhamaan wakiilada dowlad Gobolleedyada ay halkan ku dhanyihiin marka laga reebo Somaliland, waxaana tababarka lagu falanqeeyay mustaqbalka dalkeenna, gaar ahaan shaqaalaha u shaqeeya Hay’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay yihiin kuwa u qidmeeya bulshada”.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kula dardaarmay dadkii ka faa’iideystay tababarka in cilmiga ay barteen ku dabaqaan howlaha ay bulshada u hayaan, isagoo quburada casharada bixineysay uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Shaqada XFS Yuusuf Maxamed Aadan “Dowladda Soomaaliya waxay markasta ka shaqeyneysaa sidii tayada shaqaalaha rayidka ah loo kordhin lahaa”.

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka heerka sare ee Bankiga Adduunka

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka heerka sare ee Bankiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka heerka sare ee Bankiga Adduunka

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In