Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 3, 2016
in Wararka
0
Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo ay ka mid ahaayeen qunsulka safaarada Cali Maxamed Shiikh Cali Begadi iyo xoghayaha koowaad ee safaarada ayaa galinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi,ka dib markii ay shalay magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari uga soo qeyb galeen xus loo sameynayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ay maliishiyaadka Al-shabaab Jaamacada garissa ugu geysteen 147 arday oo wax ka baraneysay Jaamacadaasi.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha Countiga Garissa Nadiif Jaamac Aadan,xildhibaanka laga soo doorto magaalada garissa ahna gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya,maamulka jaamacada garissa,qaar ka mid ah ardadii ka badbaaday weerarkaasi,culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025

Munaasabada lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ay maliishiyaadka UGUS u geysteen ardadii wax ka baraneysay Jaamacada Garissa ayaa mas’uuliyiintii ka hadlay waxa ay tilmaameen in maliishiyaadka AL-shabaab aysan xiri Karin jaamacada garissa oo ah tii ugu horeysay oo uu yeesho gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Qaar kamid ah ardadii ka badbaaday weerarkaasi oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa ka sheekeeyay qaabkii uu u dhacay weerarkaasi,iyagoo sheegay in uusan waxbarashadodii ka niyad jabin doonin weerarkaasi lagu laayay saaxiibadood,ayna sii wadan doonaan waxbarashadoda.

Gudoomiyaha Countiga Garissa Nadiif Jaamac Aadan iyo xildhibaanka laga soo doorto garissa Aadan Barre Ducaale ayaa munaasabada ka sheegay in dowlada Kenya ay gacan ka siin doonto dowlada Soomaaliya sidii loo cirib tiri lahaa kooxda UGUS.

Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo khudbad ka jeediyay munaasabada lagu xusayay xasuuqii ay maleeshiyaadka UGUS u geysteen ardadii wax ka baraneysay jaamacada Garissa ayaa sheegay in labada dowladood ay iska kaashan doonaan cirib tirka maliishiyaadka Al-shabaab.

Markii ay soo dhamaatay munaasabada ayaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxa ay gudaha jaamacada ka fureen taalo lagu qoray dhamaan 148-dii qof ee maliishiyaadka UGUS ay 02-04-2015 ku dileen jaamacada Garissa.

Ugu danbeyntii danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa gudaha Safaarada ku talaalay geed.

IMG_6310 IMG_6311 IMG_6316 IMG_6329 IMG_6336 IMG_6384 IMG_6417 IMG_6418 IMG_6420 IMG_6421 IMG_6422 IMG_6426 IMG_6438 IMG_6439 IMG_6448 IMG_6456 IMG_6463 IMG_6467 IMG_6473 IMG_6478 IMG_6489 IMG_6497 IMG_6504 IMG_6507 IMG_6517 IMG_6523 IMG_6528 IMG_6530 IMG_6532 IMG_6535 IMG_6536 IMG_6537 IMG_6539 IMG_6542 IMG_6543 IMG_6579 IMG_6581 IMG_6605 IMG_6610 IMG_6614

IMG_6622

IMG_20160402_131131 IMG_20160402_131139

IMG_6624 IMG_6625 IMG_6626 IMG_6627 IMG_6628

Sawir qaade:-Hassan Omar Baffo

Previous Post

NISA oo Hub, Gaadiid iyo Maleeshiyaad la tuhunsanyahay gacanta ku soo dhigay

Next Post

Qurbajoogta Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Next Post
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Qurbajoogta Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga shacabka gobolka...

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In