Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo ay ka mid ahaayeen qunsulka safaarada Cali Maxamed Shiikh Cali Begadi iyo xoghayaha koowaad ee safaarada ayaa galinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi,ka dib markii ay shalay magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari uga soo qeyb galeen xus loo sameynayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ay maliishiyaadka Al-shabaab Jaamacada garissa ugu geysteen 147 arday oo wax ka baraneysay Jaamacadaasi.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha Countiga Garissa Nadiif Jaamac Aadan,xildhibaanka laga soo doorto magaalada garissa ahna gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya,maamulka jaamacada garissa,qaar ka mid ah ardadii ka badbaaday weerarkaasi,culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Munaasabada lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ay maliishiyaadka UGUS u geysteen ardadii wax ka baraneysay Jaamacada Garissa ayaa mas’uuliyiintii ka hadlay waxa ay tilmaameen in maliishiyaadka AL-shabaab aysan xiri Karin jaamacada garissa oo ah tii ugu horeysay oo uu yeesho gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Qaar kamid ah ardadii ka badbaaday weerarkaasi oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa ka sheekeeyay qaabkii uu u dhacay weerarkaasi,iyagoo sheegay in uusan waxbarashadodii ka niyad jabin doonin weerarkaasi lagu laayay saaxiibadood,ayna sii wadan doonaan waxbarashadoda.

Gudoomiyaha Countiga Garissa Nadiif Jaamac Aadan iyo xildhibaanka laga soo doorto garissa Aadan Barre Ducaale ayaa munaasabada ka sheegay in dowlada Kenya ay gacan ka siin doonto dowlada Soomaaliya sidii loo cirib tiri lahaa kooxda UGUS.

Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo khudbad ka jeediyay munaasabada lagu xusayay xasuuqii ay maleeshiyaadka UGUS u geysteen ardadii wax ka baraneysay jaamacada Garissa ayaa sheegay in labada dowladood ay iska kaashan doonaan cirib tirka maliishiyaadka Al-shabaab.

Markii ay soo dhamaatay munaasabada ayaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxa ay gudaha jaamacada ka fureen taalo lagu qoray dhamaan 148-dii qof ee maliishiyaadka UGUS ay 02-04-2015 ku dileen jaamacada Garissa.

Ugu danbeyntii danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa gudaha Safaarada ku talaalay geed.

IMG_6310 IMG_6311 IMG_6316 IMG_6329 IMG_6336 IMG_6384 IMG_6417 IMG_6418 IMG_6420 IMG_6421 IMG_6422 IMG_6426 IMG_6438 IMG_6439 IMG_6448 IMG_6456 IMG_6463 IMG_6467 IMG_6473 IMG_6478 IMG_6489 IMG_6497 IMG_6504 IMG_6507 IMG_6517 IMG_6523 IMG_6528 IMG_6530 IMG_6532 IMG_6535 IMG_6536 IMG_6537 IMG_6539 IMG_6542 IMG_6543 IMG_6579 IMG_6581 IMG_6605 IMG_6610 IMG_6614

IMG_6622

IMG_20160402_131131 IMG_20160402_131139

IMG_6624 IMG_6625 IMG_6626 IMG_6627 IMG_6628

Sawir qaade:-Hassan Omar Baffo

Previous Post

NISA oo Hub, Gaadiid iyo Maleeshiyaad la tuhunsanyahay gacanta ku soo dhigay

Next Post

Qurbajoogta Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Next Post
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Qurbajoogta Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In