Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaal oo Nairobi kulan kula qaatay agaasimayaasha telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ka howl gala Kenya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Danjire Jamaal oo Nairobi kulan kula qaatay agaasimayaasha telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ka howl gala Kenya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xarunta safaarada ee Nairobi kulan kula qaatay agaasimayaasha telefishinada ku hadlo afka Soomaaliga ah iyo sidoo kale tifatirayaasha idaacadaha ka howl gala dalkani Kenya.

Danjiraha iyo Agaasimayaasha Telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ayaa ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn wanaagsan u dhax mari lahayd safaarada iyo warbaahinta ku hadasho afka Soomaaliga ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo wax ka yar labo bilood joogo xafiiska safaarada ayaa soo dhaweeyay Agaasimayaasha Telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ee ka howl gala Nairobi,isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in waji cusub oo wada shaqeyn oo u bilowdo labada dhinac.

Agaasimayaasha Telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ka howl gala Nairobi ayaa safiirka u gudbiyay cabashooyin kala duwan oo ay ka mid ahayd dhibaatooyin ay la kulmaan wariyaasha soomaaliyeed ee ku nool dalknia Kenya.

Agaasimaha Telefishinka qaranka ee dalka Kenya Cilmi Maxamed Waare ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay ahayd sidii ay isku baran lahaayeen Safiirka iyo Agaasimayaasha Telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ee ka howl gala Nairobi.

Gudoomiyaha Ururuka saxafiyiinta qurba joogta ee dalka Kenya Maxamed Cismaan Xuseen (New York) ayaa tilmaamay in uu muhiim ahaa kulanka dhex maray safiirka iyo Agaasimayaasha Telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ka howl gala Nairobi,islamarkaana uu waji cusub oo wada shaqeyn uu u bilowday labada dhinac.

Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in uu ku farxaysanyahay kulanka uu la qaatay Agaasimayaasha Telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ee ka howl gala dalka Kenya.

Danjire Jamaal ayaa intaasi ku daray in uu dhageystay cabashooyinka ay u soo gudbiyeen wariyaasha,islamarkaana ay safaarada wax ka qaban doonto intii ay ka awoodo.

Markii uu kulanka dhamaaday ayaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan waxa uu wariyaasha ku soo wareejiyay xarunta safaarada oo ay dib habeyn balaaran ku socoto.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu Danjire Jamaal Maxamed Xasan la qaato Agaasimayaasha Telefishinada iyo tifatirayaasha idaacadaha ee ka howl gala Dalkani Kenya.

IMG_0012 IMG_0014 IMG_0017 IMG_0018 IMG_0021 IMG_0025 IMG_0026 IMG_0030 IMG_0032 IMG_0044 IMG_0048 IMG_0051 IMG_0052 IMG_0057 IMG_0060 IMG_0062 IMG_0067 IMG_0069 IMG_0077 IMG_0079 IMG_0086deggty

Sawir Qaade:- Xasan Cumar Baffo.

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxda sare ee dalka oo shacabka u Hambalyeeyay

Next Post
Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga

Madaxda sare ee dalka oo shacabka u Hambalyeeyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In