Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Maman S. Sidikou oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee shalay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Danjire Maman S. Sidikou
Danjire Maman S. Sidikou

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya shalay uu codka kalsoonida kala laabtay Xukuumaddii Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed kaddib kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Danjire Maman S. Sidikou ayaa lagu sheegay in go’aankii baarlamaanka uu soo afjaray khilaafkii in muddo ah taagnaa, isla markaana ay soo dhaweynayaan natiijada ka soo baxday.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Danjire Maman S. Sidikou ayaa sidoo kale soo dhaweeyay sida Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliye mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ay u aqbaleen go’aankii baarlamaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in natiijadii ka soo baxday kulankii baarlamaanka ee shalay ay muujineyso in hay’adaha dowladda ay ku filanyihiin xalinta mashaakilaadka dhexdooda ah.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou ayaa xusay in Midowga Afrika ay ka go’antahay taageerada ay siinayan dowladda, si loo gaaro hiigsiga cusub ee 2016-ka, waxaana uu Madaxweynaha ku booriyay in uu badiyo latashiyada ku aadan Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono, si loo dhameystiro hirgelinta nidaamka Federaalka ah, dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka iyo in sanadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah.

 

Previous Post

RW: “Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafis ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha Qaranka”

Next Post

Dhageyso Barnaamij gaar ah oo ku saabsan fashilka Shabaab ee dilalka qorsheysan

Next Post

Dhageyso Barnaamij gaar ah oo ku saabsan fashilka Shabaab ee dilalka qorsheysan

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In