Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Maman S. Sidikou oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee shalay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 7, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Danjire Maman S. Sidikou
Danjire Maman S. Sidikou

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya shalay uu codka kalsoonida kala laabtay Xukuumaddii Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed kaddib kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Danjire Maman S. Sidikou ayaa lagu sheegay in go’aankii baarlamaanka uu soo afjaray khilaafkii in muddo ah taagnaa, isla markaana ay soo dhaweynayaan natiijada ka soo baxday.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Danjire Maman S. Sidikou ayaa sidoo kale soo dhaweeyay sida Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliye mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ay u aqbaleen go’aankii baarlamaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in natiijadii ka soo baxday kulankii baarlamaanka ee shalay ay muujineyso in hay’adaha dowladda ay ku filanyihiin xalinta mashaakilaadka dhexdooda ah.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou ayaa xusay in Midowga Afrika ay ka go’antahay taageerada ay siinayan dowladda, si loo gaaro hiigsiga cusub ee 2016-ka, waxaana uu Madaxweynaha ku booriyay in uu badiyo latashiyada ku aadan Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono, si loo dhameystiro hirgelinta nidaamka Federaalka ah, dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka iyo in sanadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah.

 

Previous Post

RW: “Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafis ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha Qaranka”

Next Post

Dhageyso Barnaamij gaar ah oo ku saabsan fashilka Shabaab ee dilalka qorsheysan

Next Post

Dhageyso Barnaamij gaar ah oo ku saabsan fashilka Shabaab ee dilalka qorsheysan

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In