Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Rachad Farah oo ka hadlay doorashada dalka Djibouti

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjire Rachad Farah oo ka hadlay doorashada dalka Djibouti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qabanqaabada doorashada Madaxweynaha dalka aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa si xawli ah ku socotay maalmihii la soo dhaafay, waxaana madaxda ugu cad cad ka mid ah Madaxweynaha iminka talada haya Ismaanciil Cumar Geele, oo ah halyeey taariikh wanaagsan ku leh Geeska Africa gaar ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga.

Waxaanu waraysi doorashada Djibouti ku saabsan la yeelanay rug cadaa wax badan la soo shaqeeyay Madaxweyne Geelle, Safiirkii hore ee Djibouti u fadhiyay dalalka Japan, China  France, Switzerland, United Kingdom iyo UNESCO. Danjire Rachad Farah ayaa sheegay in madaxweyne Geelle yahay halyeey Afrika ku faani karto,.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

“Hoggaamiye waxaa lagu qiimeeyo waa waxqabadka dadkiisa iyo dalkiisa, waxaana taas caddeyn u ah farqiga u dhaxeeya Djibouti shalay iyo maanta, waa wax muuqda halkii aanu joognay 1999 xiligii uu talada qabtay madaxweyne Ismancil” ayuu yiri Danjire Rachad Farah.

Danjire Rachad Farah ayaa yiri “waxaa guulo la taaban karo laga gaaray dhinacyda dhaqaalaha, siyaasada, isdhaxgalka bulshada iyo xiriirka caalamiga ah, waxaa la kobciyay adeegyadii aasaasiga ahaa sida waxabarashada, caafimaadka iyo nabadgelyada”.

“Waxaa la xoojiyay xiriirkii arrimaha dibadda ee Djibouti, taas oo keentay in Djibouti loo furo albaab dhinaca dublamaasiyadda ah, waxaana waddankeenu noqday mid leh saaxiibao fara badan, waxaa dalkeena ku soo batay maalgashadayaasha dalalka shisheeye, taasina waxay keentay in uu kobco horumarka dhaqaale ee dalka” ayuu yiri Danjire Rachad Farah.

Burburkii Soomaaliya kaddib, iyadoo caalamu ka jeestay Soomaaliya ayaa madaxweyne loo doortay Ismancil Cumar Gelle, waxyaabaha lagu xasuusto ayaa waxa ka mid ah in isla markii uu xilka qabtay uu u istaagay Soomaalidii kala irdhaysneyd, isagoo arinta Soomaaliya geeyay Qaramada Midoobay, dabadeedna uu ku casuumay madashii caanka aheyd ee loo yaqiin shirkii Carta, halkaas oo ay ka dhalatay dowladnimada ay Soomaalidu haysato ilaa maanta.

Danjire Rachad Farah ayaa hadalkiisi ku soo qatimay in dalka Jabouti uu u baahan yahay madaxweyne Geelle, waana tan keentay in shacabka iyagu ka dalbadaan in uu isu soo taago doorashada sanadkan 2016 ka.

 

Previous Post

Daawo Muuqaallada: Ubaxa Boondheere oo heeso qiiro badan u qaaday dowladda Jabuuti

Next Post

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Aadan Yabaal

Next Post
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Aadan Yabaal

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In