Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Warfaa oo qaabilay dhigiisa dalka Azerbaijan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Danjire Warfaa oo qaabilay dhigiisa dalka Azerbaijan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey Dhigiisa Jamhuuriyadda Azerbaijan Ambassador Ruslan Nasibov, labada danjire waxaa kulanka kala qayb galay Shaafici Nuur Calas safiir ku xigeenka safaaradda JFS ee arrimaha Midowga Africa iyo UNECA. Sidoo kale Ambassador Ruslan ayaa Ambsaddor Warfaa uga mahad-celiyay sida diiran ee uu ugu soo dhoweeyey Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Addis Ababa.

Danjire Warfaa ayaa dhiggiisa Azerbijan uga xog waramay arrimaha ay Jamhuuriyadda Soomaaliya horumarka ka gaartay oo ay kamid yihiin adkaynta ammaanka, la dagaalanka Shabaab, arrimaha dayn-cafinta iyo kor u qaadista adeegga arrimaha bulshada oo uu tilmaamay in Soomaaliya ay guulo badan kasoo hoysay.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Kulankan ayaa daba socday is af-garad MOU ah oo 06 July 2023 ay caasimadda Azerbijan ee Baku ku kala saxiixdeen Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, kaasoo salka ku hayay iskaashiga labada waddan ee arrimaha siyaasadda iyo horumarka, waxaana la isku afgartay in si dhow loola socdo fulinta qodobadii ku qeexnaa is afgaradkaas.

Sidoo kale, labada danjire waxay ka wada hadleen oo is-fahan buuxa ka gaareen dar-dargelinta iyo kor u qaadista taba-barada iyo deeqaha waxbarasho ee ay Jamhuuriyadda Azerbaijan siiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Previous Post

Madax ka socoto ECOWAS oo kulan ka yeelanaya xiisadda Niger

Next Post

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo tababar u soo xiray Ururka Haweenka Gobalka “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo tababar u soo xiray Ururka Haweenka Gobalka “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo tababar u soo xiray Ururka Haweenka Gobalka "SAWIRRO"

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In