Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danteennu waxay ku jirtaa in loo qumo dhismaha dalka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Danteennu waxay ku jirtaa in loo qumo dhismaha dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa xaqiiqi ah in Marxalad ama xaalad kasta oo aadaanuhu ku soo biiro dunidaan uu xambaarsan yahay ama huwan yahay waajibaad Qaran oo ย la xiriira ilaalinta Dalka,daryeelkaย  Bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineedย  iyo dhismahaย  goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda .

Ma jiro qof ama koox leh nidaam ย dhameystiran,isla markaanaย  ย ifka yimid iyadoo aysan la socon masโ€™uuliyad ย nolosha ka saacida sidii ay uga bixi laheyd turunturooyinka iyo aafooyinka kale ee kuย  xeeran dunida.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

August 25, 2026

Inkastoo dadka Somaaliyeed ay ku soo caanamaaleen ย mashruuc la magac baxay iskaa wax u qabso, oo la micno ah dhiso Dalkaada,hadana waxaa xilligaan muuqda baahi weyn oo loo qabo in mar kale Umaddaย  ay u istaagaanย  dhismaha dalka ee ku burburay gacanta Bulshada.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ย iyo Madaxda ย kale ee gobolka Banaadir ayaa cod-dheer iyo mid gaabanma ku baahiyay ahmiyadda Dalkaada dhiso ay u leedahay horumarkaย  iyo sida ay lama huraanka u tahay in qof kasta uu ka qeybgalo dadaalka loogu jiro dayactirka waddooyinka iyo guud ahaanba hagaajinta adeegyada Bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo Mudane Taabid,isla markaana kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa hadda ku guuleystay ka miro dhalimta barnaamijyada gundhigga u ah dhiso Dalkaada ,waxaana mashruucyoย  ay ugu horeeyaan dayactirka waddooyinka Iyo dhismaha Xarumaha ay ka socdaan ย  Magaaalada Muqdisho,iyagoo xilligaanna ay barbar socdaan soo celinta bilicda Caasimadda ย oo la tilmaamay in ay ku baxayaan lacago fara badan.

Dad aad u farabadan ayaa ka qeybgalay dhismaha iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdsuho ,kadib kolkii ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo loogu magac daray dhiso dalkaada,waxaana sidoo kale dadaaladaasi lagu soo celinayo bilicda waddooyinka ka qeyb qaatay qaar ka mid ah guddoomioyaasha \Degmooyinka Gobolka.

Waxaa lagu guuleystay ย dayactirka waddooyin badan oo laf dhabar u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka sida jidka ย Wadnaha,Maka al0mukarama ,tan Dekeddda ,Buundooyinka iyo kuwo kale halka ay imminka socdaan hagaajinta wadada 30-ka iyo tan Jeneraal daa;uud,iyadoo mudada dhow la filayo in loo jeesto jidka warshadaha,suuqa xoolaha iyo kuwo kale.

Dhiso dalkaada oo ah Barnaamijย  muddooyinkaan ka socda Caasimadda dalka iyo deegaanno kale ee dalka ,waxa uu soo jiitay indhaha dad badan oo rug caddaa ah oo u soo joogay xilliyadii beri-smaadkaย  ee loo dhaqaaqay iskaa wax u qabso oo la micno ah dhiso dalkaada.

Bulsh wetnta Soomaaliyeed waa in ย ay u istaagaa howlaha samofal ee lagu ururinaayoย  lacagaha loogu talagalay dayactirka waddooyinka, dhismahaย  xarumaha Dowladda iyo hagaajinta ย goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda,maadaama ย  ย dowladda soomaaliya ay tahay mid curdun ah oo u baahan in wax lala qabto.

Dadaalka lagu bixinayoย ย  dhismaha dalka,gaar ahaan kan lagu dayactirayo waddooyinka iyo xarumaha Dowladda ee burbursan,waaย  tallaabo ย u muuqataa in ay weli jiraan Bulshoย  muwaadiniin ah ooย  doonaya ka qeygalkaย  howlaha lagu soo celinaayoย  bilicda Caasimadda iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Horumarka dhahbtaย  ah ee Dal waxaa uu imaan karaa marka la helo bulsho mideysan oo ka fog qabiilka isla markaana maskaxda ku haya in dhibaato kasta looga bixi karo wadajir,waxaanaย  lagama maarmaan ah in bulshada wanaagsan ay u howgalaan sidii looga dhabeyn lahaa barnaamijyada la magac baxay dhiso dalkaada iyadoo laga duulaayo burburka ka muuqda Caasimaddda Magaalada Muqdishoย  iyo deegaanada kale ee dalka.

Dad waxay wax qabsan karaan marka ay mideeyaaan xoogga iyo wadajirkooda,maankana ay galiyaan in cid shisheeye aysan buuxun Karin kaalinta qof kasta kaga aadan dhismaha dalka iyo soo celinta adeegyada umadda,waxaana hubaal ah in haddii Qof kasta uu bixiyo Hal Doolar ay ย imaan karaan ย lacago mug leh oo qeyb ka noqdaย  soo celinta bilicda waddooyinkaย  iyo dhismaha xarumaha Dowladda.

Ugu dambeyntii Dowladdu waa in ay la timadaaย  kalsooni ay dadkeedu ku qabi karaanย  in waxa loo qabanaayo ay yihiin kuwo u dhacayaย  sidii loogu talagalay,waana in mar kasta Xukuumaddu ay horsed ka noqoto dhiirigelinata barnaamijyada samofal ee lagu uruurinaayo lacagaha qaaraanka ah ee gacan ka geysan kara soo celinta kaabayaasha dhaqaale iyo kuwa Bulshada.

Waxaa qallinka u qaatay Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Qaban qaabo lagu furayo xeradii ay dhiseen Turkiga oo Muqdisho ka socota

Next Post

Xog-hayihii Caafimaadka Mareykanka oo xilkii iska casilay

Next Post
Dhageyso Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo lala yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Xog-hayihii Caafimaadka Mareykanka oo xilkii iska casilay

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

August 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In