Kulan uu soo qaban qaabiyay Maamulka Dowladda Hoose ee xammar isla markaana ay ka qayb galeen Ururada ka shaqeeya Nadaafadda iyo ganacsato ayaa looga hadlay sidii looga wadashaqayn lahaa bilicda Caasimadda kaas oo ka dhacay Muqdisho.
Ganacsatada ayaa soo jeediyay intii uu kulanka socday inay diyaar uyihiin ka qayb Qaadashada Nadaafadda Caasimadda isla markaana loo fududeeyo Culaysyada ay xilliyada qaar la kulmaan.
Agaasimaha Waaxda Nadafadda Dowladda Hoose ee Xammar Cabdicasiis Goodax Barre ayaa sheegay in 17’ka Dagmo ee Gobolka Banaadir ay ka wadaan Qorshayaal Dib loogu soo celinayo Bilicda Caasimadda, isagoo sheegay in aanay ka shaqayn oo kaliya Nadaafadda Waddada Mak-Almukarrama.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitax Cumar Xalane ayaa sheegay in Isbadal Nadaafadeed laga dareemayo Waddada Maka-Almukarrama, isagoo ugu Baaqay shirkadaha Nadaafadda inay sameeyaan maalin loogu magacdaray Maalinta Nadaafadda Waddada Maka-Almukarrama.
Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cali Cilmi Xalane ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan isla markaana ay u soo jeestaan ka shaqaynta horumarkooda.