Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dar dargelinta arrimaha xaquuqda aadanaha Soomaaliya oo laga hadlay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka ayaa maanta xafiiska ku qaabishay wafdi dhinaca xuquuqda aadanaha oo ka socda Qaramada Midoobay kuwaasi oo soo gaaray Muqdisho.

Wafdiga oo uu hogaaminayay Bahame Tom Mukirya Nyanduga oo ah qabiirka madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga wada hadleen waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda ee ku aadan xagga xuquuqul insaanka iyo kuwa kale, waxaana kulanka goob joog ka ahaa ku-simaha madaxa xuquuqda aadanaha ee xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Bahame Tom Mukirya Nyanduga ayaa sheegay in maanta waxyaabaha kulankan ka soo baxay ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeyso dowladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha qaabilsan, si loo horumariyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

“Saaka waxaan kulan la qaadanayay Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, waxaan kala hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin arimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, qorshe ay Wasaaradda ugu talagashay xuquuqul insaanka iyo waxyaabihii arrimahaasi uga qabsoomay” ayuu yiri Mr Bahame.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye sii hayaha Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa tilmaamtay in wafdigan ay isla meel dhigeen meel marinta sharuucda ay Wasaaradda ka diyaarisay xuquuqda aadanaha.

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo Taageeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Next Post

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo xukunno ku riday askar

Next Post

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo xukunno ku riday askar

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In