Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo Taageeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo ay soo abaabuleen waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ee ku nool magaalada Columbus  ayaa waxa ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan maamulka cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay  Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Inta badan dadkii ka hadlay ayaa ku dheeraaday marxaladihii gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose ay soo mareen mudadii ay dalka ka jireen dagaaladii Ahliga ahaa, waxayna ugu baaqeen maamulka cusub in uu la yimaado qorshayaal iyo waxqabad isbadal xanbaarsan, oo ay dadku ku ilooban dhibaatooyinkii ay soo mareen.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Aqoonyahanadii ka hadlay xaflada ayaa ka sheekeeyay Taariikhda dalka iyo xaaladaha gobolada, iyaga oo  Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya u soo jeediyay  in looga fadhiyo in uu goboladaas gaarsiiyo halka ay gaareen maamuladii mudada soo jiray, waxayna dhanka kale qaarkood codsadeen in caasimada maamulka laga dhigo magaalada xeebta ku taal ee Baraawe.

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay ayaa maamulka cusub ugu baaqay in uu wadahadal la yeesho dhammaan dadka ka fikir duwan maamulkan in ay la fadhiistaan si loo dhameeyo kala aragti duwanaanshaha ka dhex jira Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada uu maamulka Koonfur galbeed uu matalayo.

Arimaha dib u heshiisiinta oo ah mid ahmiyad weyn u leh dadka goboladaasi ayay si weyn ugu cel celiyeen masuuliyiintii ka hadlay oo cod dheer uga codsaday Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya in uu xooga saaro sidii loo heli lahaa dib u heshiisiin dhab ah.

Kooxaha madadaalada oo qeyb ka ahaa xaflada ayaa soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka, Heeso wadani, ah Shirib iyo Buranburo.

IMG_8098 IMG_8102 IMG_8583 IMG_8607 IMG_8633 IMG_8636 IMG_8642 IMG_8650 IMG_8656 IMG_8665 IMG_8675 IMG_8679 IMG_8700 IMG_8701 IMG_8707 IMG_8709 IMG_8711 IMG_8712 IMG_8724 IMG_8733 IMG_8742 IMG_8757 IMG_8760 IMG_8763 IMG_8783 IMG_8841 IMG_8845 IMG_8861 IMG_8890 IMG_8972 IMG_8992 IMG_9024 IMG_9064 IMG_9075 IMG_9084 IMG_9096 IMG_9128 IMG_9135 IMG_9154 IMG_9157 IMG_9169 IMG_9204 IMG_9208 IMG_9261 IMG_9266 IMG_9280

Deeqo SONNA

Columbus Ohio

 

Previous Post

Saddex arday oo deeq waxbarasho loogu diray Sudan “SAWIRRO”

Next Post

Dar dargelinta arrimaha xaquuqda aadanaha Soomaaliya oo laga hadlay

Next Post

Dar dargelinta arrimaha xaquuqda aadanaha Soomaaliya oo laga hadlay

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In