Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo xubno metelayey Xildhibaanada mucaaradka ah.

Wadahalada ayaa looga arrin sanayey sidii loo dardar galin lahaa howlaha Golaha Shacabka, loona xoojin lahaa wadashaqeynta Xildhibaanada.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Bayaanka

Natiijada Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Xildhibaanno Mucaaradka.

Agoosto 2026, waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo guddi matalayey Xildhibaannada Mucaaraadka.

Wadahadalladan oo ku qabsoomay jawi deggan oo walaaltinimo leh, waxaa looga arrinsaday sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaannada.

Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobbada soo socda:

1. Dhexdhexaadnimada Golaha: In Goluhu u ahaado mid dhexdhexaad u ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo loona dhowro Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

2. Midnimada Golaha: In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaannada, si hawlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hayโ€™adaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah si waafasan qodobka 7aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikirkiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ilaalinta xaadirista fadhiyada Golaha: Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga soo qaybgalo fadhiyada Golaha, si waafaqsan qodobka 23aad, farqigiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Xildhibaannada Mucaaradka waxay ugu baaqeen dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Baarlamaanka, xoojiyaan wadajirka Golaha, kana shaqeeyaan danta guud iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ-๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Next Post

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Next Post
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamaynโ€“Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In