Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo Hay’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor looggu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee dalka.

Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa si wada-jir ah u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda Dhinaca Horumarinta ee Talyaaniga Mr. Mr. Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weliba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan.

Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya, isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka, isaga oo tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weliba hay’adaha caalamiga ah ee fulinaya mashruucan.

“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri: “Mashruucani wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxuu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka dalka.”.

Previous Post

Hirshabeele oo Tababar u soo xirtay cutubyo kamid noqonaya Ciidanka Amniga

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah-furtay Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qalalaasuhu Saameeyeyn “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah-furtay Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qalalaasuhu Saameeyeyn “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah-furtay Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qalalaasuhu Saameeyeyn “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In