Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo Hay’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor looggu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee dalka.

Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa si wada-jir ah u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda Dhinaca Horumarinta ee Talyaaniga Mr. Mr. Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weliba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan.

Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya, isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka, isaga oo tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weliba hay’adaha caalamiga ah ee fulinaya mashruucan.

“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri: “Mashruucani wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxuu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka dalka.”.

Previous Post

Hirshabeele oo Tababar u soo xirtay cutubyo kamid noqonaya Ciidanka Amniga

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah-furtay Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qalalaasuhu Saameeyeyn “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah-furtay Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qalalaasuhu Saameeyeyn “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah-furtay Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qalalaasuhu Saameeyeyn “SAWIRRO”

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In