Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hirshabeele oo Tababar u soo xirtay cutubyo kamid noqonaya Ciidanka Amniga

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
March 12, 2020
in Wararka
0
Hirshabeele oo Tababar u soo xirtay cutubyo kamid noqonaya Ciidanka Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada maanta loo soo xeray tababarka ayaa ka kooban 198 bsarkaal oo 21 kamid ah ar dumar yahiin ,islamarkaana si guud looga soo xulay Degmooyinka Hirshabelle .

Tababarka Booliskani ayaa waxaa uu socday muddo seddax bilood ah iyada oo ay si wadajir ah u leylinayeen Ciidamada Saraakiil sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya  iyo Qeybta Booliiska AMISOM .

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Waxay goobta munaasabadda ka dhacaysay ku soo bandhigeen waxyaabihii lagu baray tababarka oo ay kamid yihiin sida looga hor tago rabshadaha.

Taliyaha booliiska Hirshabeele, Korneel Xasan Dhicisow Xasan, oo xafldda ka hadlay ayaa sheegay ciidamada ay noqon doonaan kuwo sida guud ugu howlgali doono dhamaan degmooyinka sida; Jowhar, Beledweyne ,Balcad ,Buuloburte ,Jalalaqsi,Mahaday ,Warsheikh iyo Cadalle ee Dowlad Goboledka Hirshabelle, waxuu taliyaha sido kale ballan qaaday inay sii xoojin doonana howlaha dib u habeynta Ciidamda Booliiska.

Wasiirka Amniga Hirshabeele Maxamed C/raxmaan Khayre, ayaa sheegay in farxad gaar ah u tahay wasaaraddu dhameystirka dufcadii 3 aad iska markaana wasaaraddu ku howlan tahay diyaarinta dufcaddii affaraad.

Waxaa tababarka soo xirey, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele, cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa u mahad celiyay dhammaad intii ka qeyb qaadatay suurtagelinta tababarkan, isagoo tilmaamay in ciidanka looga fadhiyo sugida amniga deegaanada Hirshabeele loola baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii looga adkaan lagaa argagaxisada.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay; madaxweyne ku xigeenka Hishabeele, Cali Guudlaawe, wasiirka amniga Hirshabeele, mudane Maxamed C/raxmaan Khayre, wasiirka dhalinyarada, C/qani C/laahi Jeenyo, Taliyaha qeybta booliiska, Korneel Xasan Dhicisow Xasan, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe, Axmed Mayre Makaraan Christopher Aria oo AMISOM ugu qaabilsan Hirshabeele, wakiila QM ugu xilsaaran Hirshabeele Benjamin Jonah iyo mas’uuliyiin kale.

 

Previous Post

Taliska Booliska Galmudug oo soo saaray amarro ka dhan ah hubka sharci darada ah “SAWIRRO”

Next Post

Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”

Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In