Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda Soomaaliyaoo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Dawladda Soomaaliyaoo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri mudane Al-cadaala.

Muuqaalada lagu baahiyey Telefeshinada maxaliga ah qaarkood iyo baraha bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aad ugu faafay bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ay ka muuqdeen ciidamo aan isku dhar ahayn oo wata gaadiid dagaal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ku daabacay Page-ka uu ku leeyahay barta baraha bulshada ay ku xiriiraan ee facebok

Tags: Dawladda Soomaaliyaoo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda
Previous Post

Shirka madasha iskaashiga Ganacsiga Beeralayda Dalka oo berri ka furmayo Muqdisho

Next Post

Maamulka gobolka Banaadir oo casriyeynaya hanaanka maamul maaliyadedka “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka gobolka Banaadir oo casriyeynaya hanaanka maamul maaliyadedka “SAWIRRO”

Maamulka gobolka Banaadir oo casriyeynaya hanaanka maamul maaliyadedka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In