Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Luuq Jeeloow oo laga saaray Shabaab iyo horjooge la dilay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo malleeshiyaadka Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Luuq jeeloow ee gobolka Hiiraan, waxeyna dadka deegaanku ku guuleeysteen in ay Shabaab ka saaraan halkaasi, horjooge ku dileen horjooge caan ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali “Dhegaweyne”.

Jeneraal Cumar Aadan Xasan “Cumar dheere” oo ka tirsan saraakiisha ciidanka XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dagaalkaasi oo soo billowday habeen hore uu socday shalay ilaa xalay, isagoo tilmaamay in dadka deegaanku ay ku guuleeysteen iney Shabaab ka saaraan deegaanka Luuq Jeeloow oo 20-km dhanka galbeed kaga toosan magaalada Beledweyne.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wuxuu intaasi ku daray in dagaalkaasi lagu dilay horjooge caan ku ahaa dhibaateeynta dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali “Dhegaweyne”, iyo Sadex ka mid ahaa ilaaladiisa.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaadka Shabaab ay dhawaan dileen nin nabaddoon ahaa, islamarkaana ay kordhiyeen dhibaatooyinki ay ku hayeen dadkaasi, taasina waxey sababtay in dadka deegaanka ay is abaabulaan kaddibna ay dagaal kala hortagaan maleeshiyaadka hororka ah ee Shabaab, sida uu xusay Jeneraal Cumar Dheere.

Dhinaca kale Jeneraalka ayaa sheegay in dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada ay xaqiijinayaan ammaanka deegaanka Luuq Jooloow oo si buuxda looga sifeeyay maleeshiyaadka Shabaab.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa deegaanka Luuq Jeeloow ku lahaa bar kontorool oo ay lacago baad ah uga qaadi jireen gaadiidka,iyadoo dhaqaale farabadana uu ka soo geli jiray halkaasi.

Previous Post

Golaha ammaanka ee Q. M. oo isku raacay in ciidamo dheeraad ah la geeyo dalka K/Sudan

Next Post

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Afqaanistaan

Next Post
Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Afqaanistaan

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Afqaanistaan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In