Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Luuq Jeeloow oo laga saaray Shabaab iyo horjooge la dilay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 13, 2016
in Wararka
0
Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo malleeshiyaadka Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Luuq jeeloow ee gobolka Hiiraan, waxeyna dadka deegaanku ku guuleeysteen in ay Shabaab ka saaraan halkaasi, horjooge ku dileen horjooge caan ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali “Dhegaweyne”.

Jeneraal Cumar Aadan Xasan “Cumar dheere” oo ka tirsan saraakiisha ciidanka XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dagaalkaasi oo soo billowday habeen hore uu socday shalay ilaa xalay, isagoo tilmaamay in dadka deegaanku ay ku guuleeysteen iney Shabaab ka saaraan deegaanka Luuq Jeeloow oo 20-km dhanka galbeed kaga toosan magaalada Beledweyne.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Wuxuu intaasi ku daray in dagaalkaasi lagu dilay horjooge caan ku ahaa dhibaateeynta dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali “Dhegaweyne”, iyo Sadex ka mid ahaa ilaaladiisa.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaadka Shabaab ay dhawaan dileen nin nabaddoon ahaa, islamarkaana ay kordhiyeen dhibaatooyinki ay ku hayeen dadkaasi, taasina waxey sababtay in dadka deegaanka ay is abaabulaan kaddibna ay dagaal kala hortagaan maleeshiyaadka hororka ah ee Shabaab, sida uu xusay Jeneraal Cumar Dheere.

Dhinaca kale Jeneraalka ayaa sheegay in dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada ay xaqiijinayaan ammaanka deegaanka Luuq Jooloow oo si buuxda looga sifeeyay maleeshiyaadka Shabaab.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa deegaanka Luuq Jeeloow ku lahaa bar kontorool oo ay lacago baad ah uga qaadi jireen gaadiidka,iyadoo dhaqaale farabadana uu ka soo geli jiray halkaasi.

Previous Post

Golaha ammaanka ee Q. M. oo isku raacay in ciidamo dheeraad ah la geeyo dalka K/Sudan

Next Post

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Afqaanistaan

Next Post
Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Afqaanistaan

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Afqaanistaan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In