Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanno ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug oo abaaro laga soo sheegayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 4, 2016
in Wararka
0
Deegaanno ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug oo abaaro laga soo sheegayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo ay kasii darayso xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Galmudug ayaa maamulka Galmudug wuxuu diray dhawr wefdi oo loo kala diray dhammaan deegannada Maamulkaas, kuwaas oo qiimaynaya baaxadda abaarta, si gurmad deg deg ah loo abaabulo.

Wefdiyada maamulku diray ayaa dhammaan deegaannadii ay tageen waxay ugu tageen dad ay xoolihii ka dhammaadeen oo diif iyo diihaal ba’an ka dhaxlay musiibada Abaarta, deegaannada qaar dad ayaaba u geeriyooday nafaqo darro, sidoo kale waxaa jira dad qaab deldelaad ah isku dilay, kadib markii ay abaarta ku waayeen dhammaanba duunyadii ay dhaqanjireen.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Deegaannada ugu daran ee masiibooyinkaas ay saameeyeen waxaa ka mida , deegaannada  Baxdo, Qaydaro, Wissil, Hobyo,  xero-dhagaxlay, Col-guula, wargalo iyo deegaanno kale,

“Magacaygu waa Catoosh Muqtaar ku nool deegaanka qaydaro ee degmada baxdo deegaanka qofkii ka tegikaray waa ka barakacay, xoolihiina waxay u qaybsameen in abaarta ku le’day iyo in ceelashii soo gaari waayey, marka abaarta na haysataa ma sahlana,” ayuu dhahay Catoos

“Magacaygu waa Maxamuud Jimcaale Wardheere oo ku nool Deegaanka Xero Dhagaxlay Xaaladdeennu meel xun ayey maraysaa, xoolihii waxay noqdeen wax le’day iyo wax liita, biyo ma haysanno, marka Xaaladdeennu waa liidataa, waxaan codsanaynaa cid kasta oo na caawinkarta inay noosoo gurmato”. ayuu isna hadalkiisa ku daray  Jimcaale.

Wasiirka Gargaarka beni’aadanimada iyo daryeelka Naafada maamulka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo hor kacayey guddigaas ayaa ka hadlay dhibaatada deegaanka ka jirta.

“Deegaanada aan marnay waxaan ku aragnay dhibaato lixaad leh oo ay abaarto keentay, waxaan qaylo dhaan u diraynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, Maamulka Galmudug, dawladda Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah, waxaan u sheegeynaa in xaaladda abaarta Galmudug ay kasii darayso, sidaas darteed waa in la sameeyaa gurmad ballaaran oo deg deg ah”.ayuu yiri Wasiir Shir Xirsi.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Cabdi Xasan Awoowe (Wissil)

Previous Post

Agaasimaha Guud ee ALESCO oo booqday Xarumaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddeh

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay waddooyin hor leh “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay waddooyin hor leh “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay waddooyin hor leh "SAWIRRO"

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In