Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deeq la gaarsiiyay dadkii soo cararay Yemen ee ku sugan Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Β Soomaali Ka Carartay Colaada Yemen Oo Gaaray Boosaaso “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeq igu jirta Joodariyaal iyo Raashin ayaa loo qeybiyay qoysas isugu jira Soomali iyo Yemeniyiin Β dhawaan dib u dajin loogu sameeyay degmooyinka Shibis iyo Degmada CabdulCasiis ee gobalka Banaadir kaddib markii ay ka soo carareen dalka Yemen.

Boqol lixdan iyo saddex qoys uu ku sugan degmada Shibis ayaa la gaar siiyay joodariyaal ay ku seexdan. Sidoo kale waxaa deeq raashin ah la gaarsiiyay qoysas dhawaan dib u dajin loogu sameeyay degmada Cabdalcasiis. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa iska soo uruuriyay deeqdan.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada qaranka Soomaliyed Faadumo Cabdi Warsame oo la hadashay warbaahinta ayaa ugu baaqday dadka dhaqaalaha heysta Β in ay ka qeyb qaatan gurmadkan.

Β β€œWaxaan leeyahay ummadda Soomaliyed waxaa lagu yaqaana dad is caawiya, dad isku tabaruca, dad geesi yaal ah ee aan ka baqanin nolasha adag ay Soomalidu soo martay. Β 25 sano waxey kaga badbaaday kan dalka jooga iyo kan dibadda jooga, waxaan leeyahay Sheekh Al-Yuusuf shirkada waxa ay garatay inay dadka kale ee Soomaliyed gartaan.

Guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis ee gobalka Banaadir Cismaan Muxidiin Cali Cariif Β oo la hadlay Β warbaahinta qaranka ayaa ku boorriyay dadka dhaqaalaha heysta in hantidooda ay ku caawiyaan walalahooda Soomaliyed iyo kuwa reer Yemen ee ku dhibaatesan gudaha dalka.

β€œQof kaste oo Soomali waxaa laga rabaa hantida uu Ilaahey siiyay in ummadda masaakinta ah kuwaan kali ma ahanee cid kasta oo baahan oo Β Soomali in loo gargaaro loo baahan yahay,Β  cid kasta Β oo Soomali oo Muslim ah oo dhibaateysan in loo gar gaaro ayaa loo baahan yahay, Β waxaan leenahay Β dadka hantida leh oo Ilaahey hantida siiyay hadhow(Aakhiro) waa la weydiinaaya”.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cumar β€œKoos” ayaa Tilmaamtay in dadka Soomaliyed looga baahan yahay in ay gudaan abalkii ay u galeen dadka ree Yemen markii ay u qaxeen.

β€œWalaaleyaal hala iskaashado dowlada iyo dadka Soomaliyeed, dalkaan ceelna uma qodna cidna uma maqna, waa dadkiini kuwa dalka jooga iyo kuwa dibada joogoo soo eega dadkana wax siiya. Β 1$ wax bey tartaa labaatan kun oo shilina waxbey tartaa, shan kuna waxbey tartaa, qof walba waxuu Ilaahey kuu dhiibay ee waxaad cuneyso maanta dheer (ka badan) walaal iska soo bixi, waxaan leeyahay ummadda Soomaliyed iyo ummudda muslimiinta Β oo dhanba Ilaahey dagaallada ragaadiyay Allaha ka dulqaado”

Tan iyo markii ay Soomaliya soo gaareen dadka ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen, waxaa gudaha dalka ka socday olole loogu gurmanayay dadka Soomaliyed iyo kuwa Yamaniniiyinta ee ka soo imanaya rabshadaha ka kasocda waddankaasi.

Previous Post

Ra’iisl Wasaaraha oo ku sii jeeda Kismaayo

Next Post

Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Next Post
Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In