Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 26, 2015
in Wararka
0
Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka fircooniga oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin ka socoto dhowr wasaaradood ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho.

Shirkani oo  la doonayo in  lagu sameeyo   guddi ka hortaka  gudninka fircooniga waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda wasaaradaha  Caddaladda, Amniga, waxbarshadda, Awqaafta iyo diinta iyo wasaaradda haweenka iyo xaquul aadanaha oo qaban qaabisay  sharka.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wasiirka  ku-xigeenka wasaaradda  haweenka iyo xaquul insaanka Muumino  Sheekh Cumar  oo  shirka  furtay ayaa ka qeybgalaasha shirka ku boorrisay in ay si wayn u dharaan dhiriyaan  arrimaha laga doodayo iyo sidii xal looga gaari lahaa.

“Mudanayaal iyo marwaayin  waxan la idinka rajaynayaa in aad  masuuliyad iska saartan, la idinka arko in si wada jir ah  aan ku wada shaqayno,  hay’adaha  dowladda iyo ururradda bulshada rayidka. Waxaana idinka mahadcelinaynaa dadaallada ay uga jiraan  baabi’inta  gudniinka fircooniga ee gabdhaha” ayay tiri Wasiir Muumino.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka qeyb galayaasha shirka oo ay ka mid yihiin xubno ka socda bulshada rayidka ah kula dardaarantay inay diiradda saaraan arrinka si ay natiijo wax lagu qaban karo uga soo baxdo shirka.

“mudanayaal waxaan  idinka codsanayaa inaad xooga sartaan  arintani ku saabsan gudniinka gabdhaha , isla markaan qolo walbo masuuliiyaddeeda taabato  wasaaradda   haweenka iyo xaquul insaanka iyo hormarinta  waxay qaadanaysaa kalinteeda  waxayna hada  diyaarinaysaa  hindise-sharciyeedka gudniinka  gabdhaha,   waxana qabyo qoraal noo  ah  baabi’inta   siyaasadda gudniinka   gabdhaha”.

Culimada Soomaaliyeed iyo dhakhaatiirta caafimaadka ayaa si weyn uga digay gudniinka noociisa loo yaqaano Fircooniga oo dhibaato caafimaad ku haya haweenka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer doodo diini ah iyo siminaarro ku saabsan arrintaan ku qabatay meelo ka mid ah dalka.

Previous Post

Deeq la gaarsiiyay dadkii soo cararay Yemen ee ku sugan Muqdisho

Next Post

Maxkamadda ciidammada oo saraakiil u xirnaa qaraxii SYL dambi waysay

Next Post
Maxkamadda ciidammada oo saraakiil u xirnaa qaraxii SYL dambi waysay

Maxkamadda ciidammada oo saraakiil u xirnaa qaraxii SYL dambi waysay

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In