Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deg deg, Codeynta Doorashada Madaxtinimada Galmudug oo bilaabatay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dooorashada Madaxweynaha Dowlad goboeedka Galmudug ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku suganyihiin musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir iyo ku-xigeenadiisa ayaa bilaabay codeynta doorashada loogu tartamayo xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Xilka Madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug waxaa ku loolamaya ilaa iyo lix musharax oo kala ah Axmed Macalin Fiqi, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadam, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

Waxaa iminka si habsimi leh u socoto codeynta doorashada, iyadoo guddiga doorashada ay codsadeen in lala dhowro nidaamka u degsan, si doorashada ay ugu dhacdo mid habsami leh.

Wareega koowaad Musharaxii la yimaada 45 cod isaga ayaa noqon doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug maadama baarlamaanka uu ka kooban yahay 89 Xildhibaan, isla markaana cod hal dheeri ah lagu guuleysanayo oo ah 50+1 sida ay sheegeen guddiga doorshada.

Haddii la waayo Musharax wareega koowaad la yimaada 45 cod, waxay marka noqon doontaa in loo gudbo wareega labaad markaas oo ninkii hal cod dheeraada guuleysan doono.

Waxaa madashada doorashada ka dhaceysa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Wasiir “Odawaa” oo Guul u rajeeyay Musharrixiinta u tartamaya Madaxweynaha galmudug

Next Post

Guddiga doorashada oo faah faahin ka bixiyay sida lagu kala guuleysan karo doorashada

Next Post
Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo ka socota magaalada Cadaado

Guddiga doorashada oo faah faahin ka bixiyay sida lagu kala guuleysan karo doorashada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In