Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deg deg, Codeynta Doorashada Madaxtinimada Galmudug oo bilaabatay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 4, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dooorashada Madaxweynaha Dowlad goboeedka Galmudug ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku suganyihiin musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir iyo ku-xigeenadiisa ayaa bilaabay codeynta doorashada loogu tartamayo xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Xilka Madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug waxaa ku loolamaya ilaa iyo lix musharax oo kala ah Axmed Macalin Fiqi, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadam, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

Waxaa iminka si habsimi leh u socoto codeynta doorashada, iyadoo guddiga doorashada ay codsadeen in lala dhowro nidaamka u degsan, si doorashada ay ugu dhacdo mid habsami leh.

Wareega koowaad Musharaxii la yimaada 45 cod isaga ayaa noqon doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug maadama baarlamaanka uu ka kooban yahay 89 Xildhibaan, isla markaana cod hal dheeri ah lagu guuleysanayo oo ah 50+1 sida ay sheegeen guddiga doorshada.

Haddii la waayo Musharax wareega koowaad la yimaada 45 cod, waxay marka noqon doontaa in loo gudbo wareega labaad markaas oo ninkii hal cod dheeraada guuleysan doono.

Waxaa madashada doorashada ka dhaceysa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Wasiir “Odawaa” oo Guul u rajeeyay Musharrixiinta u tartamaya Madaxweynaha galmudug

Next Post

Guddiga doorashada oo faah faahin ka bixiyay sida lagu kala guuleysan karo doorashada

Next Post
Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo ka socota magaalada Cadaado

Guddiga doorashada oo faah faahin ka bixiyay sida lagu kala guuleysan karo doorashada

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In