Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Buulo burte oo ka jirta cabsi ah fatahaadda Webiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Buulo Burte: Xaaladda nololeed ee dadka oo sii xummaaneysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee degmada Buulo burte Liibaan Cabdi Burisow ayaa tilmamaya in webiga Shabeelle ee mara degmada laga cabsi qabo in uu fatahaad sameeyo, isla markaana uu sameyn ku yeesho dadka iyo duunyada, isagoo codsaday in gacan lagu siiyo sidii arrinkaasi looga hortagi lahaa.

Guddomiye ku-xgieenka ayaa hoosta ka xariiqay in kan maamul ahaan ay ku howlanyihiin dadaallada ay kaga hortagayaan fatahaadda webiga.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026

“Magaalada labo ayay u qeybsantaa oo bari iyo qorax sin, marka haddii uu fatahaad dhaco saameyn ayay ku yeelaneysaa bulshada degmada ku dhaqan, cabsiga hadda way iska jirtaa, laakiin waxaan rajeyneynaa in gacan nagula siin doono sidii looga hortagi lahaa fatahaadda webiga” ayuu yiri Liibaan

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee degmada Buulo Burte Liibaan Cabdi Burisow ayaa sheegay in tan iyo markii maleeshiyada Al-Shabaab laga saaray degmada ay dib u soo laabteen adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo goobo kale oo muhiim ah.

“Waxaan ku guuleysanay in aan dib u soo celino adeegyadii waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale, sidoo kale waxaan dib u habeyn ku sameynay garoon diyaaradeed oo diyaaraduhu ay ku soo degi karaan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Degmada Buulo burte waxa ay ka midtahay meelaha dib gacanta dowladda ugu soo laabatay markii laga saaray argagixisada Al-Shabaab, taasi oo iminka ay muuqaneysa dadaallada uu maamulka ugu jiro dib u soo celinta adeegyadii guud ee bushada, balse cabsida hadda jirta ayaa ah in webiga uu fatahaado sameeyo

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In