Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 10, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Riyadh, 10 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka degey magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaa oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America.

Shir madaxeedkan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, nabadgelyda iyo horumarinta.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ka hor booqashada uu ku tegey Sacuudiga, Madaxweynaha waxaa horey u soo booqdey dalalka Jamhuriyadda Djibouti iyo Jamhuriyadda Uganda, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, iyadoo kulamadaasi looga hadley arrimo la xiriira amniga, la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga.

Booqashada afarta maalmood ee Madaxweynaha uu ku tegey Djibouti, Uganda iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa tilmaameysa dib u soo kabashada Soomaaliya: sida guulaha laga gaarey ciribtirka kooxda Al Shabaab, dib u soo celinta nabadda, si waddanka looga dhigo mid horumarsan, barwaaqeysan, doorna ka qaata arrimaha gobolka iyo caalamka intiisa kale.

– DHAMMAAD—

Previous Post

Degmada Buulo burte oo ka jirta cabsi ah fatahaadda Webiga

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In