Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Qansax-dheere ee G/Baay waa magaalo ceynkee ah Warbixin+sawiiro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Degmada Qansax-dheere ee G/Baay waa magaalo ceynkee ah Warbixin+sawiiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Ciidamada xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgalo muddooyinkan dambe ay ka wadeen gobolada Dalka  ayaa dhul balaaran ka qabsaday maleeshiyada Alshabaab,sida degmooyinmtuulooyin iyo meelo badan oo SHabaabku ay dadka shacabka ah ay ku dhibaateyn jireen.

Degmada Qan-saxdheere ee gobolka Baay ayaa kamid ah degmooyinkii horey looga saaray argagixisada Alshabaab,waxaana haatan ka jira isbedelo,inkastoo weli ay jiraan baahiyo dhanka adeegyada bulshad ah,sida uu Wakaaladda Wararka(SONNA) uu u sheegay guddoomiyaha degmadaasi C/risaaq Cabdi Ibraahim(Sanka).

Related posts

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025

“Degmada Qansax-dheere oo kamid ah magaalooyinka Qadiimiga ah ee gobolkay Baay Baydhabo waxay U Jirtaa 90 Km Waxayna Ka Kobantahay 4 Xafadood Oo Kala ah, Wadajir,Garsoor,Towfiiq iyo October,degmada Waxay Kamid tahay Degmooyinka Qadiimiga ah Ee Gobolka Baay,Waxa Hoos Yimaada in Ka Badan 100 iyo Dhowr Degaan Ama Tuulo,iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana degmada waxaa kajirta baahiyo dhanka adeegyada Bulshada ah”.sidaasi ayuu SONNA u sheegay guddomiye(Sankuus)

Marka laga hadlayo adeegyada Bulshada,heerka Waxbarasho Ee Degmada Waxaa kuyaala  Dugsi Hoose iyo Dhaxe,balse waxaa Dhawaan la hirgeliyay dugsi Sare,iyadoo wixii intaasi ka horeysayna ay ardaydu waxbarashada dugsiga Sare ay u doonan jireen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,taasi oo caqabad weyn ku ahayd xagga dhaqaalaha iyo musaafo ahaan intuba.

Guddoomiyaha maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay C/risaaq Cabdi Ibraahim(Sanka) oo SONNA u waramay ayaa  Sidoo kale sheegay in degmadu ay leedahay xarumo caafimaad sida isbital guud,balse Wuxuu ka codsaday hay’adaha samafalka iyo kuwa dowliga ah in laga caawiyo sidii loo horumarin lahaa guud ahaan adeegyada ay helaan Bulshada.

Ammaanka degmada iyo deegaanada hoosetaga ayuu sheegay in ay wanaagsan yahay,waxaana ka howlgala ciidanka Xoogga Dalka, oo howlgalo joogto ah ka sameeye deegaanadaasi,si looga hortago dhagar kasta oo ay shacabku u soo maleegaan maleeshiyada Alshabaab.

Xalada Amniga Ee Degmada Waxa Habeen iyo Maalin u Taagan Guud ahan Maamulka Degmada Oo Kashanaya Ciidamada Dowlada Qeeboohada Kala Duwan.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala deegaanada ayaa isku sii fidinaya deegaano hor leh,si loo furo meelaha ay go’doomiyeen maleeshiyada Alshabaab.

W/Q Wariye Cabdullaahi Mukhtaar Caalin(Qansaxdheere)

 

Previous Post

IMF iyo Banggiga Adduunka Oo Xaqiijiyay in Soomaaliya buuxisay shuruudihii Den-Cafinta

Next Post

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro

Next Post
Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In