Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo dalka Austria kulamo kula yeeshey madaxda kaladuwan+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xiggeenka Labaad Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Mahad Cabdalle Cawad oo safar shaqo ku joogay maalmihii ugu dambeeyay caasimadda dalka Austria ee Vienna ayaa halkaas kulamo kula yeeshay Madaxda Golaha Xeer-dejinta ee dalka Austria oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada baarlamaan,Sidoo kalena Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka waxa uu kulan gaar ah la qaatay Guddoonka Guddiga Ka Hortagga Argagixisada ee Ururka Baarlamaanada Adduunka IPU iyada oo la isla meel dhigay in Guddigaasi uu booqasho ku yimaado Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho si loo hirgaliyo diyaarinta barnaamijyo istraatijiyadeed oo looga hortago argagixisada, xagjirnimada iyo dambiyada caalamiga ah.

Sidoo kale Guddoomiye Ku-Xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka wuxuu kulan laba-geesood ah la qaatay Marwo Ghada Fathi oo ah Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay (UNOV) ee Xarunta Vienna ahna Madaxa Fulinta ee Xafiiska Ka Hortagga Dambiyada iyo Maandooriyaha (UNODC), waxayna labada dhinac ka wadahadleen sidii loo dardargalin lahaa adeegyada UNODC dhanka meelmarinta heshiisyada caalamiga ah ee ka hortagga dambiyada abaabulan, heshiisyada ka hortagga tahriibka, xeerarka la-dagaalanka argagixisada iyo maalgalintooda, tababarada ciidamada amaanka, dhaqancelinta dhalinyarada ka soo baxda kooxaha nabad-diidka iyo howlaha lagu daryeelayo iyo dadka ay saameeyaan dambiyada la xiriira tahriibinta.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Labada dhinac Waxay isla garteen in la dardargaliyo mashaariic lagu xoojinayo hawlgalada hay’adaha amniga, Garsoorka Madaxa-bannaan, Xafiiska Xeer-ilaalinta, hay’adaha maaliyadda sida Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka, Bangiga Dhexe iyo Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Dhinaca kale waxa Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka waxa uu ka qeyb galay shirweynaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee Atoomikada Aduunka IAEA oo uu Soomaaliya ku matalayay shir weynaha Marka uu soo dhamaadayna waxa uu kulan gaar ah ka qaatay Madaxa ugu sareeya Hay’adaasi Rafeal Mariano Grossi.

Hay’adda Atoomikada Aduunka waxaa ku mideysan 171-dal oo caalamka ah oo ay ka mid yihiin dhammaan dalalka dariska la ah Soomaaliya, iyada oo dalalka dhaqaalahoodu soo korayo uga faa’iideystaan ilaalinta xuduudahooda iyo badqabka shacabkooda. Soomaaliya wali xubin kama noqon midowga Hay’adda Atoomikada Aduunka iyada oo ay jirto in xeebaha Soomaaliya ay saameeyeen sunta haraadiga warshadaha ah ee lagu daadiyo xeebaheeda,wuxuuna Madaxa ugu sareeya hay’adan uu sharaxaad ka bixiyey mashaariicda ay ka faa’iidaan inta badan dalalka ka tirsan Qaramada Midoobay.

ka mid noqoshada Soomaaliya ee Hay’adda Atoomikada Aduuunka ayaa ah mid u furan si ay ugaga faa’iideysato dhanka ilaalinta xuduudaha Soomaaliya, badqabka caafimaadka shacabka, dhowrista xeebaha Soomaaliya iyo hantida dabiiciga ah dalka.

Previous Post

Degmada Qansax-dheere ee G/Baay waa magaalo ceynkee ah Warbixin+sawiiro

Next Post

Madaxda sare ee shirkadii Barakaat oo soo dhaweeyey go’aankii Mareykanka ee qaadista xayiraada

Next Post
Madaxda sare ee shirkadii Barakaat oo soo dhaweeyey go’aankii Mareykanka ee qaadista xayiraada

Madaxda sare ee shirkadii Barakaat oo soo dhaweeyey go'aankii Mareykanka ee qaadista xayiraada

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In