Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 77 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
2. Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
3. Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.
4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Sidookale madaxweynaha ayaa magacaabay maxkamadda sare ee maamulka Puntland
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka maamulka Puntland,
kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka maamulka Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Waxuu xeeriyey
Qodobka 1-aad
Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.
1. Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye
2. Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye Ku-xigeen.
3. Saciid Axmed Faarax Garsoore.
4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.
5. Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.
6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .
7. Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah
Qodobka 2-aad
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.