Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DF Soomaaliya oo bayaan ka soo saartay heshiiskii ay DF Itoobiya la gashay TPLF

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
astaanta-Qaranka-Somalia-1-696x561
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaynaysay ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega ee lagu soo afjaray colaadihii hubaysnaa.

Dowladda Soomaaliya waxay carabka ku adkeeysay in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka,barwaaqo iyo midnimo.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadisay dadaallada Midowga Afrika ee taageerada qiimaha leh ee wada-hadallada nabadeed, waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada-hadallada nabadeed, iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska lagu kordhinayo xasilloonida Itoobiya iyo gobolka.”

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda heshiiska, waxayna si joogta ah u taageertaa Itoobiya oo nabad ah, dhaqaale ahaan horumarsan iyo Geeska Afrika oo ka caagan colaado hubaysan.

“Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Xalka Afrika ee mushkiladda Afrika” uu dhabaha u xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjaraysa colaadda, colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqo, kobac dhaqaale Itoobiya gobolka iyo meelo kale.”

“Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto,” ayaa lagu yiri bayaankaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha HirShabeelle, wasiir Qaasim iyo Taliyaha xoogga oo gaaray Masaajid Caligaduud +Sawirro

Next Post

Daawo: Gen. Caanood oo shaaciyey arrin yaab leh oo lagu arkay Khawaarijtii lagu dilay Ceelhareeri

Next Post
Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dhimashada 100- kamid ah argagixisada

Daawo: Gen. Caanood oo shaaciyey arrin yaab leh oo lagu arkay Khawaarijtii lagu dilay Ceelhareeri

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In